Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, iyo wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.
Wafdiga Taliyaha ayaa markii ay gaareen Baydhabo waxaa Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud ku soo dhoweeyay Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gaashaanle Sare Isxaaq Aadan oo loo yaqaan Isxaaq Berdaale, iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Soo dhaweynta kadib, Taliyaha Ciidanka Dhulka iyo wafdiga la socda ayaa u gudbay howlaha shaqo ee loo qorsheeyay booqashadooda magaalada Baydhabo.
Booqashada Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa qeyb ka ah kormeerro shaqo oo uu ku sameynayo ciidamada iyo howlgallada ka socda deegaannada Koonfur Galbeed. Kormeerkan ayaa sidoo kale la xiriira dardargelinta howlaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo qiimeynta xaaladda guud ee ciidamada ku sugan deegaannadaasi.
Inta uu ku sugan yahay Baydhabo, Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa la filayaa inuu warbixinno ka helo saraakiisha hoggaamineysa ciidamada, iyadoo diiradda la saarayo xaaladda ciidamada, howlaha shaqo ee socda iyo sidii loo sii xoojin lahaa isku-duwidda howlaha amniga.
Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ka howlgasha deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, waxaana socda dadaallo lagu dardargelinayo howlaha ciidanka iyo xoojinta amniga.
Booqashada Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa kusoo beegmaysa xilli ay deegaannada Koonfur Galbeed ka socdaan howlo ciidan iyo amni oo muhiim u ah xaaladda guud ee gobolka.
Safarka Taliyaha iyo wafdiga saraakiisha ah ayaa sidoo kale muujinaya muhiimadda ay leedahay kormeerka joogtada ah ee hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu ku sameynayo cutubyada ciidamada ee ku kala sugan gobollada dalka.