Madaxweyne Xasan Sheekh oo Daah-furay Sannad-tacliimeedka Waxbarashada Sare 2026/2027

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka qayb galay munaasabadda furitaanka sannad-tacliimeedka 2026/2027 ee waxbarashada sare ee dalka, taas oo lagu qabtay xarunta dhexe ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, maamulka iyo macallimiinta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, aqoonyahanno, arday iyo marti sharaf kale, iyadoo diiradda lagu saaray muhiimadda ay waxbarashada sare u leedahay horumarka dalka iyo mustaqbalka jiilka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo munaasabadda ka hadlay ayaa tilmaamay in horumarka Soomaaliya uu si weyn ugu xiran yahay tayeynta waxbarashada, kobcinta aqoonta iyo maalgelinta dhallinyarada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay in jaamacaduhu ay door muhiim ah ku leeyihiin diyaarinta jiil aqoon, xirfad iyo karti u leh hoggaaminta dalka, hal-abuurka iyo ka qayb qaadashada dadaallada lagu horumarinayo Soomaaliya.

Waxa uu xusay in maalgelinta waxbarashada iyo horumarinta aqoonta dhallinyaradu ay muhiim u yihiin in dalka uu helo jiil awood u leh inuu la jaanqaado isbeddellada dunida, isla markaana kaalin muuqata ka qaata horumarka dhaqaale iyo bulsho ee Soomaaliya.

Intii ay socotay munaasabadda, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa daah-furay Hindisaha ABUUR, oo lagu kobcinayo hal-abuurka, curinta iyo xirfadaha ganacsi ee ardayda Soomaaliyeed.

Hindisaha ABUUR ayaa loogu talagalay in ardayda lagu dhiirrigeliyo hal-abuurka iyo fikradaha cusub, isla markaana loo abuuro fursado ay ku horumarin karaan aqoontooda iyo xirfadahooda ganacsi.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xarigga ka jaray dhismayaal cusub oo loo sameeyay Kulliyadaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, xarunta Guddiga Caafimaadka Arrimaha Carabta iyo xarunta gurmadka degdegga ah iyo daryeelka xaaladaha halista ah.

Dhismayaashan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo kaabeyaasha waxbarashada sare iyo adeegyada caafimaad ee Jaamacadda, iyadoo la rajeynayo inay wax ka tari doonaan tayeynta adeegyada ay helaan ardayda iyo bulshada.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dhagax-dhigay dhismeyaasha Guriga Martida ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo dhismaha Hal-abuurka iyo Cilmi-baarista.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in mashaariicdan ay qeyb ka yihiin qorshayaasha lagu tayeynayo waxbarashada sare, tababarrada caafimaadka iyo cilmi-baarista dalka, kuwaas oo muhiim u ah horumarinta aqoonta iyo kobcinta awoodda dalka.

Furitaanka sannad-tacliimeedka cusub ayaa sidoo kale muujinaya dadaallada lagu xoojinayo waxbarashada sare ee Soomaaliya, iyadoo jaamacadaha dalka laga doonayo inay noqdaan xarumo laga soo saaro aqoonyahanno, xirfadlayaal iyo hal-abuurayaal ka qeyb qaata dib-u-dhiska iyo horumarinta dalka.

Munaasabadda ayaa kusoo dhammaatay iyadoo dowladda iyo bahda waxbarashada sare ay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la sii wado maalgelinta waxbarashada, cilmi-baarista iyo hal-abuurka, si loo helo jiil aqoon iyo xirfad u leh hoggaaminta mustaqbalka Soomaaliya.