Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Safiirka Shiinaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu.

Kulanka ayaa looga hadlay xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, kaas oo ku dhisan is-ixtiraam, is-aaminaad iyo danaha wadajirka ah ee labada dal iyo labada shacab.

Intii uu kulanku socday, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga labada dal, gaar ahaan horumarinta xiriirka iyo wada-shaqeynta hay’adaha sharci-dejinta ee Soomaaliya iyo Shiinaha, iyo ballaarinta iskaashiga labada dowladood.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Dowladda iyo Shacabka Shiinaha uga mahadceliyay taageerada joogtada ah iyo garab istaagga ay u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda marxaladihii kala duwanaa ee ay soo mareen.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Safiirka Shiinaha ayaa si wadajir ah u adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta saaxiibtinimada, xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal, iyagoo muujiyay in wada-shaqeynta labada dhinac ay muhiim u tahay horumarinta danaha wadajirka ah.