Shirweynaha Arrimaha Shaqada ee Dalalka Carabta oo ka furmay Qaahira

Waxaa maanta si rasmi ah magaalada Qaahira ee Jamhuuriyadda Carabta Masar uga furmay fadhiga 52-aad ee Shirweynaha Dalalka Carabta ee Arrimaha Shaqada, waxaana ka qaybgalay wafdiga Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Prof. Saalim Caliyo Ibro.

Shirweynaha waxaa isugu yimid wakiillo ka socda dalalka Carabta, kuwaas oo matalaya dowladaha, loo-shaqeeyayaasha iyo ururrada shaqaalaha, si looga wada hadlo arrimaha muhiimka ah ee la xiriira shaqada, shaqo-abuurka, horumarinta xirfadaha, ilaalinta bulshada iyo xuquuqda shaqaalaha.

Furitaanka shirweynaha waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin iyo wufuud ka kala socotay dalalka Carabta, iyadoo diiradda lagu saaray muhiimadda iskaashiga Carabta iyo horumarinta siyaasadaha iyo nidaamyada shaqada iyo arrimaha bulshada.

Sidoo kale, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Carabta Masar, Mudane Cali Cabdi Awaare, ayaa ka qeybgalay munaasabadda furitaanka shirweynaha.

Ka qeybgalka Soomaaliya ee shirweynahan ayaa muujinaya muhiimadda ay Dowladda Federaalka Soomaaliya siineyso xoojinta iskaashiga ay la leedahay dalalka Carabta, gaar ahaan dhinacyada shaqada, shaqo-abuurka, horumarinta xirfadaha, ilaalinta bulshada iyo dhowrista xuquuqda shaqaalaha.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah iyo horumarinta arrimaha shaqada iyo bulshada, iyadoo sii wadi doonta ka qeybgalka shirarka heer gobol iyo heer caalami.