Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi bin Mutlaq Al-Cutaybi.
Ugu horreyn, Wasiir Cabdifitaax Qaasim ayaa safiirka ku soo dhaweeyay xarunta Wasaaradda, waxaana ay si wadajir ah u kormeereen waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda, gaar ahaan Keydka Qaranka, Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed, Radio Muqdisho iyo Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA.
Intii uu kormeerku socday, wasiirka iyo safiirka ayaa la kulmay mas’uuliyiinta iyo howlwadeennada waaxyahaas, iyagoo ka dhageystay warbixinno ku saabsan howlaha ay Wasaaraddu u hayso bulshada iyo dadaallada lagu horumarinayo adeegyada warbaahinta qaranka.
Kaddib kormeerka, Wasiirka Warfaafinta ayaa Safiirka Jaamacadda Carabta la yeeshay kulan looga hadlay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Jaamacadda Carabta, gaar ahaan dhinacyada warfaafinta, dhaqanka, dalxiiska, horumarinta luuqadda Carabiga iyo la-dagaallanka macluumaadka marin-habaabinta iyo wararka been-abuurka ah.
Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya, Cabdullaahi bin Mutlaq Al-Cutaybi, ayaa bogaadiyay dadaallada Wasaaradda ee ku aaddan horumarinta iyo soo nooleynta luuqadda Carabiga, isagoo sheegay in Jaamacadda Carabtu ay diyaar u tahay inay kaalin ka qaadato taageerada dadaalladaas iyo xoojinta iskaashiga dhinacyada warbaahinta iyo dhaqanka.
Ugu dambeyn, Wasiirka iyo Safiirka ayaa booqday xarunta Tiyaatarka Qaranka Soomaaliyeed, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay Hobollada Qaranka ee Waaberi iyo kooxaha ciyaaraha dhaqanka. Kooxaha ayaa soo bandhigay qeyb ka mid ah hidaha, dhaqanka iyo fanka Soomaaliyeed.
Wasiir Cabdifitaax Qaasim Maxamuud iyo Safiir Cabdullaahi bin Mutlaq Al-Cutaybi ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadidda wada-shaqeynta iyo isku-duwidda arrimaha la xiriira warfaafinta, dhaqanka, dalxiiska iyo horumarinta luuqadda Carabiga.
Booqashada Safiirka ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jaamacadda Carabta.