Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), iyo Duqa Caasimadda Jabuuti, Mudane Said Daoud Mohamed (Saïd Daoud), ayaa kala saxiixday Heshiis Is-afgarad (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga labada caasimadood ee dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga, maalgashiga, dhaqanka iyo horumarinta.
Duqa Muqdisho oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in xiriirka ka dhexeeya shacabka Soomaaliyeed iyo shacabka reer Jabuuti uu ku dhisan yahay dhiig-wadaag, dhaqan-wadaag iyo diin-wadaag, isagoo ku tilmaamay xiriirka labada dal mid “aan bir goyn karin, biyana meyri karin.”
Dr. Xasan Maxamed Xuseen ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay Danjiraha Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, Mudane Cusmaan Sugulle Dubad, kaalinta uu ka qaatay fududeynta iyo xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dhinac.
Sidoo kale, Duqa Muqdisho ayaa dhiggiisa Jabuuti u fidiyay casuumaad rasmi ah oo uu ku yimaado magaalada Muqdisho, isagoo ku martiqaaday ganacsatada iyo maalqabeennada reer Jabuuti inay maalgashi ku sameystaan caasimadda Soomaaliya, oo uu sheegay inay ku jirto marxalad koboc iyo ballaarin ah.
Dhankiisa, Duqa Caasimadda Jabuuti, Said Daoud Mohamed, ayaa soo dhoweeyay heshiiska iyo iskaashiga cusub ee labada caasimadood, isagoo sheegay in heshiisku abuuri doono fursado cusub oo dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga iyo horumarinta ah.
Duqa Jabuuti ayaa sidoo kale caddeeyay sida ay Jabuuti uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ay la leedahay Muqdisho.
Heshiiskan ayaa lagu tilmaamay tallaabo lagu xoojinayo xiriirka labada caasimadood, iyadoo la filayo inuu horseedo iskaashi ballaaran oo dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, dhaqanka iyo horumarinta ah.