Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntland, Mudane Ilyas Osman Lugatoor, ayaa daah-furay shirka Toddobaadka Qiimeynta Puntland 2026 (Puntland Evaluation Week 2026), oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Puntland.
Shirka oo hal-ku-dhiggiisu yahay “Horumar ku dhisan xog sugan, qiimayn saxan iyo isla-xisaabtan” ayaa diiradda lagu saaray xoojinta qiimeynta ku saleysan xog iyo caddeymo, barashada, isla-xisaabtanka iyo dardargelinta barnaamijyada iyo mashaariicda horumarineed ee Puntland.
Ku-simaha Madaxweynaha ayaa khudbad uu ka jeediyay shirka uga mahadceliyey Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah dadaalka ay ku bixisay diyaarinta iyo qabashada Toddobaadka Qiimeynta Puntland.
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in go’aannada siyaasadeed iyo kuwa horumarineed lagu saleeyo xog sugan, qiimayn hufan iyo caddeymo la isku hallayn karo.
Waxa uu sheegay in arrintani ay muhiim u tahay xaqiijinta in qorshayaasha iyo barnaamijyada Puntland ay si wax-ku-ool ah uga jawaabaan baahiyaha bulshada, isla markaana la helo hannaan horumarineed oo ku dhisan isla-xisaabtan iyo natiijooyin la cabbiri karo.