Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kulanka 15-aad ee Kalfadhiga 8-aad, waxaana shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).
Kulanka ayaa ugu horreyn lagu horgeeyey Hindise Sharciyeedka Difaaca Qaranka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya. Warbixinta akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedka ayaa Golaha la wadaagay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cumar Cali Cabdi.
Maadaama uu qodobka 84-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka dhigayo in marka hindise sharciyeed uu marayo akhrinta koowaad aysan furnayn dood ku saabsan qodobadiisa, marka laga reebo su’aalo la xiriira mabaadi’diisa guud, ayaa qaar ka mid ah xildhibaanada waxay Wasiiru-dowlaha weydiiyeen su’aalo ku saabsan ujeeddooyinka iyo mabaadi’da guud ee Hindise Sharciyeedka Difaaca Qaranka.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulanka soo xiray, isagoo xildhibaanada uga mahadceliyey soo xaadiritaankooda iyo gudashada waajibaadka qaran ee horyaalla.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ka hadlay arrinta kooramka iyo xaadiritaanka fadhiyada Golaha Shacabka, isagoo xusay in xildhibaanada isxaadiriya marka uu kulanku furmo, balse inta uu fadhigu socdo ka baxa, loo aqoonsan karo inay ka maqnaayeen fadhiga.
Waxa uu sheegay in xildhibaanada sidaas sameeya laga qaadi doono tallaabada uu dhigayo Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka, si loo ilaaliyo nidaamka iyo waajibaadka ka qeybgalka fadhiyada Baarlamaanka.