Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Serbia, Mudane Maxamed Cabdullaahi, ayaa maanta xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Belgrade ku qaabilay dhiggiisa Aljeeriya, Danjire Moncef Mansri, oo ah Safiirka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Shacabka Aljeeriya u fadhiya Jamhuuriyadda Serbia.
Kulanka labada Danjire ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya, iyadoo si gaar ah looga hadlay muhiimadda ay leedahay in la sii horumariyo xiriirka soo jireenka ah ee walaaltinimo ee labada dal.
Labada dhinac ayaa is-weydaarsaday aragtiyo ku saabsan xaaladda xiriirka Soomaaliya iyo Aljeeriya, fursadaha lagu horumarin karo iskaashiga iyo sidii loo abuuri lahaa hannaan wada-shaqeyn oo sii xoojiya danaha labada dal.
Sidoo kale, labada Safiir ayaa ka wada hadlay arrimo kale oo la xiriira danaha labada dhinac iyo doorka ay safaaraduhu ka qaadan karaan fududeynta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada diblomaasiyadda iyo arrimaha ay labada waddan si wadajir ah uga shaqeyn karaan.
Danjirayaasha ayaa isla qaatay in xiriirka Soomaaliya iyo Aljeeriya uu yahay mid ku dhisan taariikh, walaaltinimo iyo is-ixtiraam, waxaana ay carrabka ku adkeeyeen baahida loo qabo in xiriirkaas loo sii dhaqaajiyo dhinacyo cusub oo labada dal ay daneynayaan.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu muujiyey muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn joogto ah oo dhex marta labada Safaaradood, si loo xoojiyo is-dhaafsiga aragtiyada iyo isku-xirka labada dhinac ee ku saabsan arrimaha khuseeya danaha guud.
Soomaaliya iyo Aljeeriya ayaa muddo dheer lahaa xiriir diblomaasiyadeed oo ku saleysan iskaashi iyo xiriir walaaltinimo, iyadoo labada dal ay ka wada shaqeeyaan arrimo kala duwan oo khuseeya danahooda guud iyo kuwa gobolka.
Ugu dambeyn, labada Safiir ayaa isku raacay in ay sii xoojiyaan xiriirka iyo wada-shaqeynta dhow, iyagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la sii kobciyo xiriirka ku saleysan danaha guud, is-fahamka iyo iskaashiga labada dhinac.