Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada, Arrimaha Bani’aadannimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xafiiskooda ugu yeeray mas’uuliyiinta Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Cali.
Kulanka oo qayb ka ahaa howsha kormeerka iyo isla-xisaabtanka hay’adaha dowladda ayaa diiradda lagu saaray hannaanka shaqo ee Wasaaradda, qorshayaasha ay leedahay iyo howlaha mudnaanta u leh, iyadoo xubnaha Guddigu Wasiirka su’aalo ka weydiiyeen arrimo dhowr ah oo la xiriira mas’uuliyadda Wasaaradda.
Wasiirka ayaa si gaar ah wax looga weydiiyay qorshe-hawleedka Wasaaradda, horumarinta ciyaaraha dalka, dhismaha iyo dayactirka garoomada isboortiga, kobcinta fursadaha dhallinyarada iyo xiriirka Wasaaradda iyo Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale, Guddiga ayaa Wasiirka ka xog-wareystay qorshayaasha lagu horumarinayo ciyaaraha dalka iyo sidii loo abuuri lahaa jawi ku habboon oo ay dhallinyarada Soomaaliyeed ku soo bandhigi karaan kartidooda, xirfadaha ciyaareed iyo hal-abuurkooda.
Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Cali, ayaa si waafi ah uga jawaabay dhammaan su’aalihii ay xubnaha Guddigu hor-dhigeen, isagoo faahfaahin ka bixiyay howlaha ay Wasaaraddu waddo, qorshayaasha horumarineed iyo mudnaanta ay siinayso horumarinta dhallinyarada iyo ciyaaraha.
Wasiirka ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo doorka dhallinyarada Soomaaliyeed, maadaama ay yihiin qeyb muhiim ah oo ka mid ah bulshada, isla markaana ay leeyihiin karti iyo awood ay kaga qeyb qaadan karaan horumarka dalka.
Waxaa sidoo kale kulanka lagu soo qaaday baahida loo qabo in la horumariyo kaabayaasha ciyaaraha, gaar ahaan garoomada iyo goobaha loogu talagalay ciyaaraha kala duwan, si dhallinyarada loo siiyo fursado ku filan oo ay ku horumariyaan xirfadahooda.
Dhanka kale, Wasiirka ayaa ka hadlay muhiimadda wada-shaqeynta Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo helo hannaan mideysan oo lagu horumarinayo ciyaaraha iyo barnaamijyada dhallinyarada ee dalka.
Guddoomiyaha Guddiga, Senator Cismaan Maxamuud Maxamed (Dufle), oo shir guddoomiyay kulanka, ayaa Wasiirka uga mahadceliyay sida hufan, faahfaahsan oo togan ee uu uga jawaabay su’aalihii ay xubnaha Guddigu hor-dhigeen.
Guddoomiye Dufle ayaa xusay in kulamada noocan oo kale ah ay muhiim u yihiin xoojinta hannaanka isla-xisaabtanka, kor-joogteynta iyo qiimeynta waxqabadka hay’adaha dowladda, iyadoo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu gudanayo waajibaadkiisa dastuuriga ah ee la xiriira kormeerka iyo la-xisaabtanka hay’adaha dowladda.
Ugu dambeyn, kulanka ayaa lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta ka dhaxaysa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha dowladda, si loo horumariyo adeegyada bulshada, loona xaqiijiyo in qorshayaasha iyo siyaasadaha dowladda ay si wax-ku-ool ah uga jawaabaan baahiyaha shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada.