Dowladda Soomaaliya oo Cambaareysay Weerar Lagu Qaaday Makkah Al-Mukarramah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay isku dayga weerar loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn oo lagu qaaday magaalada barakeysan ee Makkah Al-Mukarramah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Bayaan ay soo saartay Dowladda Soomaaliya ayay ku sheegtay in Ciidamada Difaaca Cirka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay ku guuleysteen inay qabtaan oo burburiyaan diyaaradda aan duuliyaha lahayn, ka hor inta aysan gaarin magaalada Makkah Al-Mukarramah.

Dowladda Soomaaliya ayaa muujisay sida ay uga xun tahay isku dayga weerarkan, iyadoo carrabka ku adkeysay muhiimadda ay leedahay ilaalinta amniga iyo xasilloonida magaalada Makkah oo ah goobta ugu barakeysan Islaamka, isla markaana ay sannad kasta booqdaan malaayiin Muslimiin ah oo ka kala yimaada daafaha dunida.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay cambaareysay weerarradii dhowaan lagu qaaday goobaha ay dadka rayidka ah deggan yihiin ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyadoo ku baaqday in la dhowro badqabka shacabka iyo in laga fogaado tallaabooyin khatar gelin kara nolosha dadka aan waxba galabsan.

Dowladda Soomaaliya ayaa caddeysay inay garab taagan tahay Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyadoo muujisay taageero buuxda oo ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Sacuudiga xilligan ay soo foodsaareen weerarro iyo isku dayo amni-darro.

Soomaaliya waxay sidoo kale xaqiijisay inay taageersan tahay xaqa ay Boqortooyada Sacuudi Carabiya u leedahay inay difaacdo dhulkeeda, dadkeeda iyo goobaha barakeysan ee Islaamka, iyadoo la raacayo sharciga caalamiga ah.

Bayaan ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Sacuudiga uu ku dhisan yahay walaaltinimo, iskaashi iyo xiriir taariikhi ah, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo arrimaha diinta.

Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku celisay baaqeeda ku aaddan in la ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida gobolka, lana qaado tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu xaqiijinayo badqabka dadka rayidka ah iyo goobaha barakeysan.