Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Xuduudaha, Mudane Cabdikariin Axmed, ayaa kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlay xoojinta wada-shaqeynta labada dhinac iyo sidii loo xaqiijin lahaa ka-qaybgal loo dhan yahay oo ay Haweenka iyo Dadka Naafada ah ku yeeshaan geeddi-socodka doorashooyinka qof iyo cod.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii hay’adaha dowladda iyo Guddiga Doorashooyinku uga wada shaqeyn lahaayeen hirgelinta qorshayaasha lagu xaqiijinayo in dhammaan qaybaha bulshada ay helaan fursad siman oo ay kaga qaybqaataan doorashooyinka dalka.
Wasiirka ayaa kulanka ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Mudane Maxamed Bashiir Cumar, la-taliyeyaal iyo qaar ka mid ah agaasimeyaasha waaxyaha Wasaaradda. Masuuliyiinta ayaa si gaar ah uga wada hadlay muhiimadda ay leedahay in la dhowro xuquuqda siyaasadeed ee Haweenka iyo Dadka Naafada ah.
Qodobada ugu muhiimsanaa ee kulanka lagu falanqeeyay waxaa ka mid ahaa xaqiijinta qoondada 30% ee Haweenka iyo qoondada loo asteeyay Dadka Naafada ah ee ku aaddan ka-qaybgalka doorashooyinka. Labada dhinac ayaa isla eegay caqabadaha hortaagan ka-qaybgalka kooxahan iyo sidii loo abuuri lahaa hannaan fududeynaya inay si buuxda uga qaybqaataan geeddi-socodka doorashooyinka.
Wasiirad Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa adkaysay muhiimadda ay leedahay in Haweenka iyo Dadka Naafada ah ay door muuqda ku yeeshaan siyaasadda iyo go’aan-qaadashada dalka, iyadoo tilmaantay in ka-qaybgalka kooxahan uu qayb muhiim ah ka yahay dhismaha hannaan doorasho oo loo dhan yahay.
Waxay sidoo kale sheegtay in Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ay diyaar u tahay inay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Xuduudaha kala shaqeyso ilaalinta iyo hirgelinta qoondada Haweenka iyo xuquuqda Dadka Naafada ah, si loo xaqiijiyo in ballanqaadyada ku aaddan ka-qaybgalka siyaasadeed loo beddelo tallaabooyin la taaban karo.
Dhanka kale, wada-shaqeynta Wasaaradda iyo Guddiga Doorashooyinka ayaa loo arkaa mid muhiim u ah in la xoojiyo wacyigelinta bulshada, lana fududeeyo helitaanka macluumaadka doorashooyinka, gaar ahaan Haweenka iyo Dadka Naafada ah oo u baahan in loo sameeyo fursado iyo adeegyo ku habboon baahidooda.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu muujiyay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha dowladda, Guddiga Doorashooyinka iyo daneeyayaasha kale ay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii loo xaqiijin lahaa doorashooyin ay dhammaan qaybaha bulshada si siman uga qaybqaataan.
Ugu dambeyn, Wasiirad Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa uga mahadcelisay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Xuduudaha, Xoghayaha iyo dhammaan xubnaha Guddiga soo dhaweyntii diirran iyo sida ay uga go’an tahay xoojinta wada-shaqeynta lagu xaqiijinayo ka-qaybgalka Haweenka iyo Dadka Naafada ah.
Kulankan ayaa ku soo dhammaaday adkeynta muhiimadda ay leedahay in la sii ambaqaado wada-shaqeynta labada dhinac, si loo helo hannaan doorasho oo loo dhan yahay, isla markaana dhowra xuquuqda siyaasadeed ee dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.