La-taliyaha Amniga Qaranka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo gabagabeeyay kulamadii wada-tashiga ahaa ee u dhexeeyay hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xarunta La-dagaallanka Argagixisada ee Midowga Afrika.
Kulamadan oo socday muddo laba maalmood ah ayaa looga hadlay arrimo la xiriira amniga, la-dagaallanka argagixisada iyo xoojinta iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Afrika, gaar ahaan dhinacyada taageerada farsamo, is-dhaafsiga khibradaha iyo horumarinta awoodaha hay’adaha amniga.
Kulanka gabagabada ah ayaa dib loogu milicsaday qodobadii iyo natiijooyinkii ka soo baxay wada-tashiyadii iyo kulamadii labadii maalmood ee la soo dhaafay, iyadoo labada dhinac ay isla eegeen muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta iyo isku-duwidda dadaallada la xiriira la-dagaallanka argagixisada.
Dhinaca Xarunta La-dagaallanka Argagixisada ee Midowga Afrika ayaa uga mahadceliyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Xafiiska Amniga Qaranka, soo dhaweynta iyo fududeynta kulamadii ay la yeesheen hay’adaha kala duwan ee dowladda.
Wafdiga Xarunta ayaa sidoo kale bogaadiyay horumarka ay sheegeen in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka sameysay la-dagaallanka argagixisada, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la sii ambaqaado dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida dalka.
Kulamada ayaa sidoo kale fursad u abuuray labada dhinac inay ka wada hadlaan sidii loo horumarin lahaa iskaashiga dhinacyada amniga iyo la-dagaallanka khataraha argagixisada, iyadoo la adeegsanayo khibradaha iyo awoodaha ay kala leeyihiin Soomaaliya iyo Midowga Afrika.
Xafiiska La-taliyaha Amniga Qaranka ayaa kulamadan u arka kuwo muhiim u ah xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta hay’adaha amniga Soomaaliya iyo hay’adaha Midowga Afrika ee ku howlan la-dagaallanka argagixisada.
Ugu dambeyn, kulamadan ayaa ku soo dhammaaday adkeynta muhiimadda ay leedahay sii wadista wada-tashiyada iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Midowga Afrika, si loo taageero dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya iyo gobolka.