Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Soo Bandhigidda Warbixinta Dhaqaalaha Soomaaliya ee 2025 ka Qaybgalay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta ka qaybgalay munaasabad lagu soo bandhigayay Warbixinta Dhaqaalaha Soomaaliya ee sannadka 2025, taas oo ay diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Warbixintan ayaa lagu soo bandhigay xaaladda guud ee dhaqaalaha dalka, waxqabadkii iyo horumarkii la sameeyay intii lagu jiray sannadkii 2025, dib-u-habaynta hannaanka maaliyadda qaranka iyo isbeddellada ku yimid taageeradii dhaqaale ee Soomaaliya ka heli jirtay dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah.

Munaasabadda ayaa fursad u ahayd hay’adaha dowladda iyo daneeyayaasha dhaqaalaha inay si guud u eegaan xaaladda dhaqaale ee dalka, guulihii la gaaray iyo caqabadaha weli horyaalla Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dakhliga gudaha, maareynta dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Soomaaliya ay sannadkii 2025 wajahday caqabado dhaqaale oo ka imaanayay gudaha iyo dibadda, hase yeeshee adkaysiga shacabka Soomaaliyeed iyo dadaallada ay sameeyeen hay’adaha dowladda ay door muhiim ah ka qaateen sii socoshada kobaca dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyay Wasaaradda Maaliyadda dadaalka ay ku bixisay horumarinta hannaanka maaliyadda qaranka, isagoo si gaar ah u xusay tallaabooyinka lagu kordhinayo dakhliga gudaha, xoojinta daah-furnaanta iyo isla-xisaabtanka, iyo hagaajinta maamulka iyo maaraynta dhaqaalaha dalka.

Wuxuu tilmaamay in dib-u-habaynta maaliyaddu ay muhiim u tahay xoojinta awoodda dowladda ee bixinta adeegyada bulshada, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo xaqiijinta in dalka uu yeesho nidaam maaliyadeed oo hufan oo ku dhisan isla-xisaabtan.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sidoo kale ka hadlay taageerada dhaqaale ee ay dowladda siiso dowlad-goboleedyada, isagoo caddeeyay in aan la siyaasadeyn taageeradaas.

“Dowladdu ma aysan siyaasadeyn, mana siyaasadeyn doonto taageerada dhaqaale ee ay siiso dowlad-goboleedyada. Sannadka 2025 wuxuu ahaa sannadkii dhaqaalaha ugu badan la siiyay dowlad-goboleedyada.”

— Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Hadalkan ayaa ku saabsanaa siyaasadda dowladda ee ku aaddan taageerada dhaqaale ee dowlad-goboleedyada iyo muhiimadda ay leedahay in la hubiyo in kheyraadka dowladda loo adeegsado si waafaqsan qorshayaasha horumarineed ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in la sii ambaqaado dib-u-habaynta dhaqaalaha, lana abuuro jawi ku habboon maalgashiga gudaha iyo dibadda, si loo kobciyo wax-soo-saarka dalka, loo abuuro fursado shaqo, loona xoojiyo kobaca dhaqaalaha.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la xoojiyo shuruucda iyo siyaasadaha hagaya dhaqaalaha iyo maalgashiga, si loo helo jawi ganacsi oo dhiirrigeliya maalgashadayaasha, isla markaana gacan ka geysta horumarinta dhaqaalaha qaranka.

Munaasabadda ayaa kusoo dhammaatay muhiimadda ay leedahay in la sii wado dadaallada dib-u-habaynta maaliyadda iyo dhaqaalaha, iyadoo la xoojinayo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo dhammaan dhinacyada ku howlan horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.