Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta magaalada Baydhabo kormeer ugu tegay ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo tababar ku soo dhammaystay magaalada.
Taliyaha ayaa kormeerkiisa ka bilaabay xerada ay ciidamada ku qaadanayaan tababarka, halkaas oo uu warbixinno kala duwan kaga dhageystay macallimiinta iyo saraakiisha gacanta ku haysa tababarka ciidamada.
Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa wax ka weydiiyay heerka uu marayo tababarka, noocyada tababarrada ay ciidamada qaateen iyo farsamooyinka milatari ee la baray. Waxa uu sidoo kale u kuurgalay xaaladda ciidamada iyo habka loo diyaarinayo si ay si hufan ugu gutaan waajibaadka Qaran ee loo igmaday.
Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu ku xoojinayo tayada iyo awoodda ciidamada, iyadoo muhiimad gaar ah la siinayo tababarka, anshaxa ciidan iyo diyaar-garowga ciidamada.
Taliska Ciidanka XDS ayaa wada dadaallo lagu tayaynayo ciidamada, si ay u yeeshaan awood iyo diyaar-garow ku filan oo ay ugu gudan karaan waajibaadka Qaran ee saaran, gaar ahaan ilaalinta amniga iyo difaaca dalka.
Kormeerka Taliyaha ayaa sidoo kale qeyb ka ah qorshayaasha lagu hubinayo in ciidamada tababarka qaadanaya ay helaan aqoon iyo xirfado milatari oo waafaqsan baahida Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.