Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle kusoo dhaweeyay diyaarad nooca Boeing 737-300 (B733) ah oo ay soo kordhisay shirkadda diyaaradaha ee Juba Airways.
Imaatinka diyaaraddan cusub ayaa lagu tilmaamay tallaabo qeyb ka ah horumarinta duulista hawada Soomaaliya iyo dadaallada lagu xoojinayo isku-xirka gaadiidka cirka ee dalka.
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa sheegay in ballaarinta adeegyada duulimaadyadu ay door muhiim ah ka qaadan karto kobcinta ganacsiga, fududeynta isu-socodka dadka iyo badeecadaha, iyo xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo dalalka gobolka.
Sidoo kale, kordhinta diyaaradaha iyo adeegyada duulimaadyada ayaa la filayaa inay gacan ka geysato fududeynta safarrada gudaha iyo kuwa gobolka, iyadoo muhiimad gaar ah la siinayo horumarinta adeegyada duulista iyo isku-xirka magaalooyinka iyo dalalka kala duwan.
Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee XFS ayaa sheegtay inay soo dhaweynayso tallaabo kasta oo gacan ka geysanaysa horumarinta duulista hawada, kobcinta adeegyada gaadiidka cirka iyo abuurista fursado cusub oo Soomaaliya si wanaagsan ugu xirmaan gobolka iyo dunida inteeda kale.
Diyaaradda ay Juba Airways soo kordhisay ayaa kusoo biiraysa adeegyada shirkadda, iyadoo tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaallada lagu ballaarinayo awoodda duulimaadyada iyo adeegyada rakaabka ee Soomaaliya.