Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka qaybgalay munaasabadda furitaanka Madasha 13-aad ee Beijing Xiangshan, oo ka socota magaalada Beijing ee dalka Shiinaha.
Madasha Beijing Xiangshan ayaa waxaa isugu yimaada wasiirrada gaashaandhigga, taliyeyaasha ciidamada, mas’uuliyiin sare iyo khubaro ka kala socota dalal iyo hay’ado caalami ah, kuwaas oo ka wada hadla arrimaha la xiriira nabadda, amniga, difaaca iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah.
Inta ay madashu socoto ayaa sidoo kale magaalada Beijing lagu qabanayaa Madasha 4-aad ee Shiinaha iyo Afrika ee Nabadda iyo Amniga, taas oo diiradda lagu saarayo arrimaha amniga iyo iskaashiga u dhexeeya Shiinaha iyo dalalka Afrika.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa madasha ka jeedin doona khudbad uu kaga hadlayo xaaladda iyo horumarka Soomaaliya ee dhinacyada nabadda iyo amniga, dadaallada dalka ee la-dagaallanka argagixisada iyo aragtida Soomaaliya ee ku aaddan xoojinta iskaashiga amni ee Afrika iyo Shiinaha.
Ka qaybgalka Soomaaliya ee madashan ayaa sidoo kale fursad u siinaya wafdiga dalka inay soo bandhigaan dadaallada socda ee lagu horumarinayo amniga iyo dhismaha awoodda Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliyeed.
Sidoo kale, waxaa madasha lagu xoojinayaa iskaashiga dhinacyada difaaca, tababarka iyo tayeynta ciidamada, iyadoo taageerada saaxiibbada caalamiga ah lagu waafajinayo mudnaanta iyo baahiyaha amni ee Soomaaliya.
Wasiir Axmed Macallin Fiqi iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa inta ay ku sugan yihiin Beijing yeelan doona kulamo laba geesood ah oo looga hadlayo xoojinta xiriirka difaaca iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha.
Kulamadaasi ayaa lagu wadaa in diiradda lagu saaro sidii loo sii horumarin lahaa iskaashiga dhinacyada difaaca, tababarka ciidamada, dhismaha awoodaha amni iyo taageerada dadaallada Soomaaliya ee lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka.