Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa faray dhammaan wasiirrada iyo mas’uuliyiinta dowladda in si buuxda loo hirgeliyo nidaamka shaqaalaysiinta iyo magacaabista ku salaysan kartida iyo mudnaanta.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in amarkan uu salka ku hayo Dastuurka Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Qodobka 161aad, farqaddiisa 1aad, iyo Sharciga Shaqaalaha Rayidka ah, Qodobkiisa 7aad.
Xamsa Cabdi Barre ayaa sidoo kale faray Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowladda in 20-ka Sebteembar la bilaabo wejiga koowaad ee dib-u-habaynta Agaasime Waaxeedyada hay’adaha dowladda, kuwaas oo uu ku tilmaamay laf-dhabarta maamulka hay’adaha dowladda.
Wuxuu sheegay in Agaasime Waaxeedyadu ay door muhiim ah ka qaataan hoggaaminta, hirgelinta siyaasadaha, fulinta qorshayaasha iyo joogtaynta shaqada hay’adaha dowladda.
Marka la dhammaystiro wejiga koowaad ee dib-u-habaynta, waxaa dib-u-eegis lagu samayn doonaa Agaasimayaasha Guud ee hay’adaha dowladda, iyadoo lagu salaynayo karti, aqoon, khibrad, hoggaamin iyo waxqabad.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in ujeeddada nidaamkan ay tahay in la dhiso hoggaan maamul oo xirfad leh, isla-xisaabtan leh, awoodna u leh in uu siyaasadaha dowladda u beddelo natiijooyin muuqda oo ay shacabka Soomaaliyeed ka markhaati noqdaan.
Sidoo kale, Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in afartii sano ee la soo dhaafay Xukuumadda DanQaran ay qaaday tallaabooyin muhiim ah oo lagu xoojinayo dhismaha, maamulka iyo tayada hay’adaha dowladda.
“Waxaan dhidibka u taagnay tiirar sharci iyo kuwa hay’adeed oo lagama maarmaan u ah dib-u-habaynta iyo horumarinta shaqaalaha rayidka ah. Waxaan ansixinnay sharciyo, siyaasado, xeerar iyo qaab-dhismeedyo muhiim ah oo hagaya maamulka hay’adaha iyo shaqaalaha dowladda,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Ugu dambayn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray dhammaan wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda in xilalka Agaasime Waaxeedyada lagu buuxiyo hannaan tartan furan, iyadoo dhammaan shaqaalaha u qalma la siinayo fursad siman oo ay ugu tartamaan jagooyinkaas.
Wuxuu sidoo kale ku adkeeyay hay’adaha dowladda in dhammaan xilalka iyo jagooyinka bannaan lagu buuxiyo hannaan waafaqsan shuruucda iyo xeerarka dowladda.