Golaha Wasiirrada Puntland oo Ka Shiray Amniga iyo Arrimo Muhiim ah

Ku-simaha Madaxweynaha Puntland ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa shir-guddoomiyey shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Puntland, kaas oo looga hadlay arrimo muhiim u ah amniga, maamulka, dhaqaalaha, deegaanka iyo xaaladda guud ee Puntland.

Shirka Golaha Wasiirrada ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladda amniga guud ee Puntland, iyadoo goluhu isla eegay xaaladaha amni ee ka jira deegaannada kala duwan iyo dadaallada lagu xoojinayo nabadgelyada iyo kala dambeynta.

Golaha ayaa sidoo kale ka hadlay safarkii Madaxweynaha Puntland uu ku tagay gobollada Mudug, Bari iyo Raas Casayr, iyadoo la qiimeeyey natiijooyinkii kasoo baxay safarka iyo kulamadii uu Madaxweynaha la yeeshay bulshada, mas’uuliyiinta iyo qaybaha kala duwan ee deegaannada uu booqday.

Dhinaca kale, shirka waxaa lagu soo qaaday Toddobaadka Qiimaynta Puntland, kaas oo loogu talagalay in dib-u-eegis lagu sameeyo waxqabadka hay’adaha iyo waaxyaha kala duwan ee maamulka, lana qiimeeyo heerka ay marayaan qorshayaasha shaqo iyo adeegyada loo fidiyo bulshada.

Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale ka hadlay guulihii laga gaaray Shirkii Timirta Puntland, iyadoo la xusay muhiimadda ay leedahay horumarinta wax-soo-saarka timirta iyo taageerada la siinayo beeraleyda iyo dadka ku howlan wax-soo-saarka gudaha.

Sidoo kale, Golaha Wasiirradu wuxuu ka hadlay hirgelinta Xeerka Sahminta Saamaynta Deegaanka iyo Bulshada, kaas oo la xiriira ilaalinta deegaanka iyo qiimeynta saameynta ay mashaariicda iyo howlaha horumarineed ku yeelan karaan deegaanka iyo bulshada.

Waxaa kale oo shirka looga hadlay go’aamadii MADHA iyo arrimaha bacaadka, iyadoo la isla eegay sidii loo hirgelin lahaa go’aannada la xiriira arrimahaas iyo tallaabooyinka looga baahan yahay hay’adaha ay khusayso.