Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Muqdisho ka daah-furay Shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya, kaas oo uu martigeliyay Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRB).
Shirka waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin ka socday hay’adaha dowladda, ganacsatada, maareeyayaasha shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo bahwadaagta taageerta horumarinta Soomaaliya.
Intii uu socday shirka, waxaa lagu gorfeeyay fursadaha iyo baahiyaha maalgelinta horumarineed ee dalka, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray sidii Soomaaliya looga gudbin lahaa marxaladda dib-u-soo-kabashada, looguna gudbi lahaa koboc dhaqaale oo waara.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan siinayso maalgelinta horumarka waara, kobcinta wax-soo-saarka gudaha iyo xoojinta doorka ganacsiyada gaarka loo leeyahay.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in maalgelinta gudaha iyo tan caalamiga ah ay muhiim u yihiin abuurista fursado shaqo, horumarinta adeegyada bulshada iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Hiigsiga Qaranka ee 2060 uu yahay jihada fog ee Soomaaliya ku gaari karto dhaqaale kobcaya iyo horumar waara.
Waxa uu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo maalgelin istiraatiiji ah oo lagu horumarinayo qaybaha muhiimka ah ee dhaqaalaha, sida beeraha, xoolaha, kalluumeysiga, tamarta, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo ganacsiyada gaarka loo leeyahay.
Shirka ayaa sidoo kale fursad u siinaya dowladda iyo daneeyayaasha dhaqaalaha inay ka wada hadlaan sidii loo abuuri lahaa jawi ku habboon maalgashiga, loo dhiirrigelin lahaa ganacsatada, loona xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya dowladda iyo ganacsiyada gaarka loo leeyahay.
Maalgelinta horumarinta Soomaaliya ayaa loo arkaa arrin muhiim u ah kobcinta dhaqaalaha dalka, yareynta shaqo la’aanta iyo xaqiijinta horumar waara oo ku saleysan fursadaha iyo khayraadka dalk