Hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xarunta Madaxtooyada ee magaalada Baydhabo kulan isugu jiray qado sharaf iyo sagootin ugu sameeyey taliyihii hore ee Qaybta 3-aad ee Ciidanka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), Brigadier General Teklu Hurisa Janka.
Kulanka ayaa ahaa mid lagu sagootinayey taliyihii hore ee qaybta, iyadoo Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed uu uga mahadceliyey adeegii iyo dadaalkii uu muddadii uu xilka hayey ku bixiyey xoojinta amniga, xasilloonida iyo wada-shaqeynta u dhexeysay ciidamada AUSSOM iyo hay’adaha amniga ee Maamulka Koonfur Galbeed.
Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sidoo kale soo dhoweeyey taliyaha cusub ee Qaybta 3-aad ee AUSSOM, Brigadier General Hashim Mohammed Chikula, isaga oo u rajeeyey inuu si wanaagsan u gudan doono waajibaadka loo igmaday.
Hoggaamiyaha ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay sii wadidda wada-shaqeynta u dhexeysa ciidamada AUSSOM iyo hay’adaha amniga Koonfur Galbeed, si loo xoojiyo dadaallada lagu sugayo amniga iyo xasilloonida deegaannada maamulka.
Intii uu socday kulanka, waxaa sidoo kale looga hadlay muhiimadda ay leedahay iskaashiga dhinacyada amniga, ilaalinta nabadda iyo taageerada ciidamada Soomaaliyeed ee ka howlgala deegaannada Koonfur Galbeed.
Kulanka ayaa fursad u noqday dhinacyada ka qaybgalay inay adkeeyaan muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn joogto ah oo dhex marta hay’adaha amniga Soomaaliya, Maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidamada AUSSOM, gaar ahaan xilligan ay socdaan dadaallada lagu xoojinayo awoodda ciidamada Soomaaliyeed.
Kulanka waxaa ka qaybgalay Wasiirka Xannaanada Xoolaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eelay), Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Wasiirka Batroolka, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Koonfur Galbeed