Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), ayaa shir guddoomiyey Kalfadhiga 8-aad, Kulankiisa 7-aad, kaas oo ajandihiisu ahaa akhrinta labaad ee Hindise Xeereedka Dhismaha Hay’adda Dakhliga.
Ugu horreyn, Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare, Senator Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhagdheer), ayaa Golaha la wadaagay warbixinta akhrinta labaad ee Hindise Xeereedka Dhismaha Hay’adda Dakhliga.
Senator Dhagdheer ayaa Golaha uga warbixiyey wax-ka-beddellada, sixitaannada iyo hagaajinta lagu sameeyey hindise-xeereedka, kaddib markii Guddiga Maaliyaddu si qoto dheer uga baaraandegay nuxurka iyo qodobbada uu ka kooban yahay.
Intaas kaddib, Senatarrada Aqalka Sare ayaa si faahfaahsan uga dooday qodobbada Hindise Xeereedka Dhismaha Hay’adda Dakhliga, iyaga oo soo jeediyey aragtiyo, talooyin iyo wax-ka-beddello kala duwan oo la xiriira qaab-dhismeedka hay’adda iyo qodobbada sharciga.
Doodaha Senatarrada ayaa diiradda lagu saaray sidii hindise-xeereedku u noqon lahaa xeer hufan, dhammaystiran oo waafaqsan Dastuurka Federaalka Soomaaliya iyo xeerarka kale ee dalka.
Sidoo kale, xubnaha Aqalka Sare ayaa xoogga saaray muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo nidaamka maaliyadeed ee dalka, kor loo qaado hufnaanta maamulka dakhliga qaranka, lana helo hannaan sharciyeed oo suurtageliya maamul iyo isla-xisaabtan wanaagsan.
Intii uu socday kulanka, Senatarradu waxay soo bandhigeen talooyin ku aaddan hagaajinta qodobbada hindise-xeereedka, iyaga oo tilmaamay arrimaha u baahan in dib loogu noqdo ka hor inta aan hindise-xeereedku u gudbin akhrinta saddexaad