Madaxweyne Xasan Sheekh oo Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi Sare oo ka socday Ciidanka Cirka Pakistan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Ciidanka Cirka Pakistan, kaas oo uu hoggaaminayay Air Marshal Muhammad Sarfraz.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Pakistan, gaar ahaan dhinacyada amniga, difaaca iyo horumarinta awoodaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wafdiga kala hadlay muhiimadda ay leedahay iskaashiga labada dal, iyadoo Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu horumarinayo hay’adaha amniga iyo tayeynta ciidamada qaranka.

Wafdiga Ciidanka Cirka Pakistan ayaa dhankooda muujiyay muhiimadda ay siinayaan xiriirka labada dal iyo fursadaha lagu xoojin karo iskaashiga dhinacyada tababarrada, is-weydaarsiga khibradaha iyo horumarinta aqoonta milatari.

Kulanka ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka Soomaaliya iyo Pakistan, gaar ahaan iskaashiga dhinaca difaaca iyo amniga, iyadoo la eegayo sidii loo horumarin lahaa awoodaha hay’adaha amniga Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii ambaqaado wada-shaqeynta iyo xiriirka istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Pakistan.