Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Kulan La Qaatay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan la qaatay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, oo ay hoggaamineysay Guddoomiyaha Guddiga, Dr. Maryam Qasim.

Kulanka ayaa looga hadlay warbixin ku saabsan hawlaha, waajibaadka iyo shaqooyinka uu Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka u xilsaaran yahay, iyadoo diiradda la saaray muhiimadda ay leedahay ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa bogaadiyey dadaallada uu Guddigu ugu jiro ilaalinta, horumarinta iyo dhowrista xuquuqda aadanaha, isaga oo xusay muhiimadda ay arrintani u leedahay dhismaha hay’ado qaran oo ku shaqeeya cadaalad, isla-xisaabtan iyo dhowrista sharciga.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyey baahida loo qabo in la xoojiyo wada-shaqaynta iyo isku-xirka hay’adaha qaranka, si loo horumariyo adeegyada iyo hawlaha la xiriira ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Sidoo kale, Mudane Jaamac ayaa Guddiga kula dardaarmay in Golaha Shacabka si joogto ah loola wadaago warbixinnada iyo natiijooyinka hawlaha uu Guddigu qabto, si loo xoojiyo isla-xisaabtanka, wadatashiga iyo doorka Baarlamaanka ee ku aaddan ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryam Qasim, ayaa kulanka kusoo bandhigtay warbixin ku saabsan shaqooyinka Guddiga iyo waajibaadka uu u hayo bulshada Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka iyo wada-shaqaynta hay’adaha qaranka, iyadoo la adkeynayo doorka hay’adaha dowladda ee ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo horumarinta dowladnimada ku dhisan sharciga