Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Booqday Xarunta Taliska Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ee Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay xarunta Taliska Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo ku taalla magaalada Baydhabo.

Hoggaamiyaha ayaa xarunta Taliska si diirran loogu soo dhaweeyey, waxaana halkaasi ku qaabilay saraakiisha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo uu hoggaaminayey Taliyaha Qeybta 60-aad, Gaashaanle Sare Isaaq Berdaale.

Intii uu booqashada ku guda jiray, Hoggaamiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa kulan la qaatay saraakiisha Qeybta 60-aad, isaga oo ka dhageystay warbixinno ku saabsan xaaladda amniga, howlaha ciidanka iyo qorshayaasha lagu xoojinayo sugidda amniga magaalada Baydhabo iyo guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed.

Warbixinta saraakiisha ayaa lagu soo bandhigay xaaladda guud ee amniga, howlaha ay ciidamadu u xilsaaran yihiin iyo dadaallada lagu horumarinayo hawlgallada sugidda amniga iyo ilaalinta shacabka.

Hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa bogaadiyey dadaalka ay saraakiisha iyo ciidamada Qeybta 60-aad ugu jiraan gudashada waajibaadkooda qaran, isaga oo ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay ilaalinta amniga, badqabka iyo hantida shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Hoggaamiyaha ayaa muujiyey muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta u dhexeysa maamulka Koonfur Galbeed iyo hay’adaha amniga, si loo sii horumariyo qorshayaasha lagu sugayo amniga magaalada Baydhabo iyo deegaannada kale ee hoos yimaada maamulka.

Booqashadan ayaa kusoo beegmaysa xilli la dardargelinayo dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay door muhiim ah ka qaadanayaan sugidda amniga iyo ilaalinta shacabka.

Hoggaamiye Sheekh Aadan Madoobe waxaa booqashada ku wehlinayey Wasiirka Amniga, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida.

Booqashada ayaa qayb ka ah kulamada iyo kormeerada shaqo ee lagu qiimeynayo xaaladda amniga, laguna xoojinayo wada-shaqeynta maamulka iyo hay’adaha amniga ee Koonfur Galbeed.