Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Qaabilay Saraakiil Turki ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil ciidan oo ka socday dalka Turkiga, kaas oo uu hoggaaminayey Taliyaha Dugsiga Tababarka Ciidamada ee TURKSOM, Sareeye Gaas Sabahattin Kalkan.

Wafdiga ayaa waxaa ka mid ahaa Kabtan Dr. Haldun S. Çetinarslan, oo ah u-qaybsanaha arrimaha Ciidanka Dhulka iyo Ciidanka Badda Turkiga ee Soomaaliya, kaas oo soo gabagabeynaya muddadii uu xilkaas hayey, iyo Kornayl Dr. Mehmet Serhan Yıldız, oo ah u-qaybsanaha cusub ee arrimaha Ciidanka Cirka Turkiga.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca difaaca ee Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan sidii loo horumarin lahaa tababarka, tayeynta iyo kor u qaadista awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa bogaadiyey doorka Dugsiga TURKSOM uu ka qaadanayo tababarka iyo horumarinta xirfadaha ciidamada Soomaaliyeed, isagoo uga mahadceliyey Dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay Soomaaliya ka siiso dib-u-dhiska iyo tayeynta hay’adaha amniga iyo ciidamada qalabka sida.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee labada dal, si loo horumariyo awoodda difaaca Soomaaliya loona taageero dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka.