Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay wafdi sare oo ka socday Dowladda Pakistan, kaas oo uu hoggaaminayay Taliyaha Difaaca Cirka, ahna Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Cirka Pakistan, Air Marshal Muhammad Sarfraz, oo booqasho ku jooga magaalada Muqdisho.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Pakistan, gaar ahaan dhinacyada difaaca iyo amniga, iyadoo si gaar ah looga hadlay horumarinta iyo dhismaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo kobcin lahaa awoodda Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, loona horumarin lahaa tababarrada, aqoonta iyo xirfadaha ciidamada iyo saraakiisha, si loo helo ciidan leh awood iyo diyaargarow sare oo ka jawaabi kara baahiyaha amni ee dalka.
Sidoo kale, kulanka waxaa lagu soo qaaday muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya laga taageero dib-u-dhiska iyo tayaynta hay’adaha amniga iyo difaaca, gaar ahaan horumarinta awoodda hawlgal ee Ciidanka Cirka Soomaaliyeed iyo helitaanka khibrado iyo tababbarro casri ah.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey wafdiga Dowladda Pakistan booqashada ay ku yimaadeen Soomaaliya, isaga oo tilmaamay in booqashadu ay muhiim u tahay sii xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo difaaca.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si weyn uga shaqaynayso dhismaha, tababarka, tayaynta iyo qalabaynta Ciidanka Soomaaliyeed, iyadoo la doonayo in la helo ciidan qaran oo leh awood uu si hufan ugu gudan karo waajibaadkiisa dastuuriga ah ee ilaalinta dalka iyo shacabka.
Waxa uu sidoo kale xusay in dib-u-dhiska iyo tayaynta ciidamada ay qayb muhiim ah ka yihiin dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo amniga dalka iyo la dagaallanka kooxaha hubeysan, iyadoo ciidamada Soomaaliyeed ay door muhiim ah ka qaadanayaan howlgallada amni ee socda.
Dhanka kale, wafdiga Pakistan ayaa muujiyey muhiimadda ay Dowladda Pakistan siinayso xiriirka ay la leedahay Soomaaliya, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada difaaca, tababarka ciidamada iyo is-dhaafsiga khibradaha milatari.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada tababarka iyo horumarinta awoodaha ciidamada, si Soomaaliya ay u yeelato awood difaac oo si gaar ah uga jawaabi karta baahiyaha amni ee dalka.
Booqashada wafdiga sare ee Pakistan ee Muqdisho ayaa kusoo beegmaysa xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay waddo qorshayaal lagu horumarinayo Ciidanka Xoogga Dalka iyo hay’adaha amniga, iyadoo xoogga la saarayo tababarka, tayaynta, qalabaynta iyo dhismaha awood ciidan oo waarta.
Kulanka ayaa sidoo kale qayb ka noqonaya dadaallada lagu sii xoojinayo xiriirka istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Pakistan, iyadoo labada dal ay doonayaan in iskaashigooda dhinaca difaaca iyo amniga loo sii horumariyo si waafaqsan danaha labada dhinac.