Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa shir guddoomiyay kulan ay isugu yimaadeen guddiga heer gobol ee gurmadka iyo ka jawaabista daadadka xilliga Deyrta iyo xaaladaha ka dhalan kara saadaasha Super El-Nino.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray diyaar-garowga Maamulka Gobolka Banaadir ee ka hortagga iyo wax ka qabashada khataraha la saadaaliyay, iyadoo lagu soo bandhigay waxqabadyada horudhaca ah ee maamulka uu horey uga sameeyay magaalada Muqdisho iyo qorshayaasha lagu xoojinayo gurmadka degdegga ah.
Guddiga ayaa si gaar ah uga hadlay muhiimadda ay leedahay in la aqoonsado oo la kormeero goobaha u nugul daadadka iyo xaaladaha kale ee ka dhalan kara roobabka xooggan, si loo helo qorshe cad oo lagu yareyn karo saameynta ay xaaladahaasi ku yeelan karaan bulshada.
Waxaa sidoo kale la isla eegay diyaarinta goobo keyd ah oo lagu ururiyo agabka muhiimka ah ee loo adeegsanayo howlaha gurmadka, iyo in la diyaariyo goobaha loogu talagalay in bulshada loo raro haddii ay xaalad degdeg ah ka dhalato meelaha ay ku nool yihiin.
Guddiga heer gobol ayaa sidoo kale qaabilaya diyaarinta iyo isku-dubbaridka agabka lagama maarmaanka u ah badbaadinta nafta iyo hantida bulshada, iyadoo qorshuhu yahay in la xoojiyo howlgelinta bahda caafimaadka, ciidamada gurmadka iyo hay’adaha kale ee muhiimka u ah ka jawaabista xaaladaha degdegga ah.
Waxaa muhiimad gaar ah la siinayaa xiriirinta hay’adaha qaranka, kuwa maamulka gobolka, hay’adaha samafalka, ganacsatada iyo qeybaha kale ee bulshada, si loo sameeyo iskaashi iyo isku-duwid mideysan oo wax looga qabanayo xaaladaha ka dhalan kara roobabka iyo daadadka.
Madaxda Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Midowga Bangiyada gaarka loo leeyahay, Hay’adda Hormuud Salaam Foundation, bulshada rayidka ah iyo shirkadaha ka shaqeeya dhismaha, korontada iyo nadaafadda oo qeyb ka ah guddiga heer gobol ayaa bogaadiyay dadaallada Maamulka Gobolka Banaadir ee la xiriira horumarinta iyo dib-u-dhiska Caasimadda.
Madaxdaasi ayaa sidoo kale sheegay inay diyaar u yihiin inay qaataan kaalintooda ku aaddan gurmadka iyo diyaar-garowga xaaladaha la saadaaliyay, iyagoo xusay in iskaashiga dowladda, ganacsatada iyo bulshada uu muhiim u yahay yareynta saameynta ay fatahaadaha iyo xaaladaha kale ee degdegga ah ku yeelan karaan shacabka.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa sheegay in la diyaariyay Xarunta Xiriirinta Howlaha Gurmadka, taas oo noqon doonta xarunta laga hago isku-dubbaridka howlaha gurmadka iyo wadaagga xogta iyo saadaasha ku saabsan khataraha la filayo.
Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in xaruntani ay door muhiim ah ka qaadan doonto isku xirka qeybaha kala duwan ee ka qeyb qaadanaya gurmadka, gaar ahaan marka la helo digniino ku saabsan roobab xooggan, daadad ama xaalado kale oo halis gelin kara bulshada.
Guddoomiye Muungaab ayaa sidoo kale ugu baaqay qeybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan culumada, ganacsatada iyo dadka awoodda u leh inay bulshada wax u qabtaan, inay qaataan doorkooda ku aaddan wacyigelinta iyo gurmadka bulshada.
Wuxuu shacabka ugu baaqay inay si dhow ula socdaan fariimaha digniinta iyo wacyigelinta ee kasoo baxaya hay’adaha ay khuseyso, isla markaana ay u hoggaansamaan talooyinka iyo tilmaamaha la xiriira badbaadada, gaar ahaan dadka ku nool goobaha u nugul fatahaadaha iyo daadadka.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ujeeddada diyaar-garowgan ay tahay in la xoojiyo tallaabooyinka ka hortagga khataraha, lana yareeyo khasaaraha nafeed iyo midka hantiyeed ee ka dhalan kara xaaladaha cimilada ee la saadaaliyay.
Shirka ayaa kusoo dhammaaday in la dardargeliyo howlaha diyaar-garowga, lana sii xoojiyo iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha dowladda, ganacsatada, bulshada rayidka ah iyo qeybaha kale ee bulshada, si Muqdisho loogu diyaargaroobo xaalad kasta oo degdeg ah oo ka dhalan karta roobabka iyo daadadka.