Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo ka furay Madasha Sanadlaha ah ee Guddoomiyeyaasha Gobollada iyo Degmooyinka

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa si rasmi ah magaalada Baydhabo uga furay Madasha Sanadlaha ah ee Guddoomiyeyaasha Gobollada iyo Degmooyinka Dowladda Koonfur Galbeed.

Madasha oo ay ka qeybgalayaan wasiiro, xildhibaano, guddoomiyeyaasha gobollada iyo degmooyinka, ayaa looga hadlay arrimo muhiim u ah horumarinta maamulka iyo adeegyada bulshada, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray xoojinta dowladaha hoose, dardargelinta adeegyada aasaasiga ah iyo sidii loo sii horumarin lahaa wada-shaqeynta hay’adaha dowladda ee heer gobol iyo heer degmo.

Intii uu socday kulanka, waxaa si gaar ah looga hadlay xaaladda amniga ee deegaannada Koonfur Galbeed. Ka qeybgalayaasha ayaa isla eegay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta u dhexeysa hay’adaha amniga iyo maamulka, loo horumarin lahaa amniga bulshada, loogana hortagi lahaa caqabadaha iyo khataraha amni ee ka jira deegaannada maamulka.

Sidoo kale, madasha ayaa lagu gorfeeyey xaaladda dhaqaalaha iyo fursadaha lagu kobcin karo dakhliga gudaha, iyadoo xoogga la saaray sidii loo horumarin lahaa awoodda dowladaha hoose iyo sidii loo heli lahaa dhaqaale ku filan oo ay ku gutaan waajibaadkooda ku aaddan adeegyada bulshada.

Ka qeybgalayaasha ayaa sidoo kale ka wada hadlay horumarinta adeegyada aasaasiga ah sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo adeegyada kale ee muhiimka u ah bulshada, iyadoo la isla eegay caqabadaha ka jira degmooyinka iyo sidii loo heli lahaa xalal wax ku ool ah oo lagu horumarin karo adeegyada dadweynaha.

Qodob kale oo muhiim ah oo madasha looga hadlay ayaa ahaa u-diyaargarowga saameynta fatahaadaha iyo xaaladaha ka dhalan kara roobabka culus iyo El-Niño. Mas’uuliyiinta ayaa ka wada hadlay qorshayaasha ka hortagga iyo ka jawaabidda fatahaadaha, diyaarinta gurmadka degdegga ah iyo sidii loo yareyn lahaa saameynta ay xaaladaha cimiladu ku yeelan karaan shacabka, gaar ahaan dadka ku nool deegaannada nugul.

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa guddoomiyeyaasha gobollada iyo degmooyinka kula dardaarmay in ay xoojiyaan wada-shaqeynta, si hufan ugu adeegaan bulshada, isla markaana mudnaanta siiyaan amniga, horumarinta adeegyada bulshada iyo u-diyaargarowga xaaladaha bani’aadannimo iyo kuwa dabiiciga ah.

Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa sidoo kale adkeeyey muhiimadda ay leedahay in maamulka gobollada iyo degmooyinka ay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha kale ee dowladda, si loo xaqiijiyo in adeegyada dowladda ay gaaraan bulshada, loona xoojiyo isla xisaabtanka iyo hannaanka dowladnimada hoose.

Madasha Sanadlaha ah ee Guddoomiyeyaasha Gobollada iyo Degmooyinka ayaa sidoo kale ah fursad ay mas’uuliyiinta heer gobol iyo heer degmo isku dhaafsadaan khibradaha, talooyinka iyo waayo-aragnimada ku saabsan maamulka iyo adeegyada bulshada.

Kulankan ayaa la filayaa in laga soo saaro talooyin iyo qorshayaal lagu xoojinayo dowladnimada hoose, amniga, dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada, iyadoo la doonayo in wada-shaqeynta hay’adaha dowladda ee heerarka kala duwan ay noqoto mid horseedda adeegyo wax ku ool ah oo bulshada Koonfur Galbeed ay ka faa’iideystaan.