Taliyaha Guud ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, oo uu weheliyo Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa magaalada Laascaanood tababar ugu soo xiray ku dhawaad 100 xubnood oo isugu jira saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.
Tababarka ayaa socday muddo ku dhow saddex toddobaad, waxaana ka qaybgalay saraakiil iyo ciidamo loo diyaariyey in ay kor u qaadaan aqoontooda iyo xirfadaha la xiriira waajibaadka Ciidanka Asluubta.
Munaasabadda xiritaanka tababarka oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay magaalada Laascaanood, waxaana ka qaybgalay masuuliyiin kala duwan oo ay ugu horreeyaan Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, wasiirro, xildhibaano, mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha dowladda, iyo xubno ka socday bulshada rayidka ah iyo ururrada haweenka.
Intii ay socotay munaasabadda xiritaanka tababarka, waxaa halkaas ka hadlay qaar ka mid ah masuuliyiintii ka qaybgalay xafladda, kuwaas oo dhammaantood bogaadiyey dadaallada Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed uu ku bixinayo horumarinta aqoonta iyo tayada ciidanka.
Masuuliyiinta ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey Taliyaha Guud ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, doorka uu ka qaatay hirgelinta tababarkan iyo dadaallada lagu tayeynayo ciidamada Asluubta ee ka howlgala qeybaha kala duwan ee dalka.
Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa si gaar ah uga hadlay kaalinta Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed uu ka qaatay fulinta tababarkan, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in ciidamada la siiyo tababbarro joogto ah oo kor loogu qaadayo aqoontooda iyo xirfadahooda shaqo.
Tababarkan ayaa sidoo kale fursad u noqday saraakiisha iyo ciidamada ka qaybgalay inay aqoon iyo waayo-aragnimo dheeraad ah ka kororsadaan howlaha Ciidanka Asluubta, iyadoo muhiimad gaar ah la siinayo horumarinta xirfadaha shaqo iyo gudashada waajibaadka loo igmaday.
Ugu dambeyn, shahaadooyin ayaa la guddoonsiiyey saraakiishii iyo ciidamada si guul leh u soo dhammaystay tababarka. Ciidamada iyo saraakiisha tababarka loo soo xiray ayaa soo dhaweeyey fursadda ay u heleen inay tababbar noocan ah ku qaataan magaalada ay ka howlgalaan.
Waxay sidoo kale mahadcelin ballaaran u jeediyeen Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, iyagoo tilmaamay in tababarrada noocan ah ay muhiim u yihiin horumarinta aqoonta, xirfadda iyo tayada ciidamada.