Golaha Shacabka oo ansixiyey Hindise-Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulanka 19-aad ee Kalfadhiga 8-aad, waxaana kulanka shir guddoominayey Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Kulanka ayaa lagu soo qaaday ajandayaal dhowr ah oo muhiim u ah howlaha sharci-dejinta dalka, waxaana ugu horreyn Xildhibaanadu cod u qaadeen Hindise-Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah.

Natiijada codbixinta ayaa noqotay in 130 Xildhibaan ay oggolaadeen, halka 9 Xildhibaan ay diideen, waxaana 2 Xildhibaan ay ka aamuseen, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Sidoo kale, Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Akhrinta Labaad marsiiyey Hindise-Sharciyeedka Wax-ka-beddelka Sharciga Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, Sharci Lr. 130, kaas oo soo baxay 22-kii April 2012.

Intii uu socday kulanka, Xildhibaanada ayaa ka dooday qodobbada ku jira Hindise-Sharciyeedka, iyagoo su’aalo iyo aragtiyo ka dhiibtay wax-ka-beddellada la soo jeediyey. Mas’uuliyiinta Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka iyo mas’uuliyiin ka tirsan Bankiga Dhexe ee Soomaaliya oo kulanka goob joog ka ahaa ayaa sidoo kale ka jawaabay su’aalihii ay Xildhibaanadu ka weydiiyeen hindise-sharciyeedka.

Doodda Xildhibaanada ayaa diiradda lagu saaray qodobbada muhiimka ah ee Hindise-Sharciyeedka iyo saameynta ay wax-ka-beddellada la soo jeediyey ku yeelan karaan habraacyada iyo shaqada Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn, mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyey warbixinta Akhrinta Labaad ee heshiisyada u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ee ku saabsan iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca garsoorka.

Kulanka ayaa qeyb ka ah howlaha sharci-dejinta ee Golaha Shacabka, iyadoo mudanayaasha ay sii wadaan ka doodista iyo ansixinta hindise-sharciyeedyada iyo heshiisyada muhiimka u ah dalka.