Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo shir guddoomiyay kulanka 29-aad ee Madasha Iskaashiga Geeska Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 29-aad ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika.

Kulanka waxaa ka qeyb galay qaar ka mid ah wasiirrada dalalka ku bahoobay madasha, wakiillo ka socday dowladaha deeq-bixiyeyaasha iyo hay’adaha caalamiga ah, oo ay ka mid yihiin Bangiga Adduunka, Bangiga Horumarinta Afrika, IGAD iyo Midowga Yurub.

Shirka oo socday hal maalin ayaa diiradda lagu saaray horumarinta is-dhexgalka gobolka, xoojinta iskaashiga iyo maalgelinta mudnaanta dhaqaale ee dalalka Geeska Afrika.

Waxaa si gaar ah xoogga loo saaray horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan korontada, biyaha iyo waddooyinka isku xira dalalka ku bahoobay madasha.

Intii uu socday kulanka, waxaa sidoo kale lagu ansixiyay qorshe-hawleedka horumarinta ganacsiga Geeska Afrika, kaas oo ay horey u diyaariyeen wasiirrada ganacsiga ee dalalka ku bahoobay Hindisaha Geeska Afrika.

Qorshahan ayaa ka dhashay kulan ay wasiirrada ganacsiga ee Madashu bishii Agoosto 2026 ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Wasiirka Maaliyadda XFS, Biixi Imaan Cige, ayaa uga mahadceliyay dowladaha ku mideysan Madasha Hindisaha Geeska Afrika iyo saaxiibada caalamiga ah taageerada ay si joogto ah u siiyaan hindisahan, gaar ahaan kaalintooda ku aaddan horumarinta, iskaashiga iyo maalgelinta mashaariicda muhiimka u ah dalalka gobolka.

Kulanka 29-aad ayaa sidoo kale lagu xoojiyay muhiimadda ay leedahay in dalalka gobolka iyo saaxiibadooda caalamiga ah ay sii xoojiyaan iskaashiga, si loo dardargeliyo mashaariicda gobolka loona horumariyo fursadaha dhaqaale ee Geeska Afrika.