Xamsa Cabdi Barre oo tababar u soo xiray Dufcaddii 12-aad ee Kumaandooska Danab

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo xiray Dufcaddii 12-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab.

Ciidanka ayaa muddadii tababarka lagu baray Xeerka Ciqaabta, Xuquuqda Aadanaha, xirfado caafimaad iyo isgaarsiin, cilad-bixinta hubka iyo xeelado dagaal oo kala duwan.

Ra’iisul Wasaaraha oo ay weheliyeen Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ciidanka ku bogaadiyey dadaalka iyo adkaysiga ay muujiyeen muddadii ay ku jireen tababarka.

Waxa uu kula dardaarmay ciidanka cusub inay aqoonta iyo xirfadaha ay barteen ugu adeegaan shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay gutaan waajibaadka qaran ee loo igmaday.

Mudane Xamsa ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay mudnaan gaar ah siinayso dhismaha iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida, si loo helo ciidan Soomaaliyeed oo leh tababar, tayo iyo awood ay si buuxda ugu gudan karaan waajibaadka dastuuriga ah.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku boorriyey ciidanka cusub inay ilaaliyaan sharciga, ayna noqdaan kuwo ku suntan waddaniyad, daacadnimo iyo u heellanaanta difaaca dalka.

Intii ay socotay munaasabadda, waxaa lagu soo bandhigay xirfadaha iyo aqoonta ciidan ee ay muddada tababarka qaateen xubnaha ka tirsan dufcaddan, kuwaas oo loo diyaariyey gudashada waajibaadka qaran ee la xiriira difaaca dalka, sugidda amniga iyo la-dagaallanka kooxaha argagixisada ah.