Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta hay’adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya, S/Guuto Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha degdegga ah ee bani’aadannimo, gaar ahaan saadaasha El Niño, doorka Ciidanka Badda iyo diyaar-garowga dalka, si loo helo qorshe mideysan oo ay ciidamada dalku qeyb uga noqdaan.
Waxaa sidoo kale laga wada hadlay sidii loogu diyaar garoobi lahaa badbaadinta dadka nugul, gaar ahaan shacabka ku nool deegaannada xeebaha ah iyo goobaha ay fatahaaduhu saameyn karaan.
Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya, S/Guuto Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, ayaa sheegay inay si dhow ula shaqeyn doonaan Hay’adda SoDMA, isla markaana ay qeyb ka noqon doonaan qorshaha qaran ee diyaar-garowga xaaladaha degdegga ah.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Ciidanka Badda iyo hoggaankooda ku bogaadiyay diyaar-garowgooda, isagoo ku boorriyay inay muujiyaan firfircooni iyo dadaal dheeraad ah oo lagu badbaadinayo shacabka Soomaaliyeed.