Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, ayaa maanta guddoomiyay kulan ay yeesheen guddiga Wasaaradda Caafimaadka u qaabilsan u-diyaargarowga xaaladaha El Niño iyo roobabka Deyrta ee la saadaalinayo bilaha Sebtembar ilaa Diseembar 2026.
Kulanka waxaa ka qeybgalay xubnaha guddiga oo ka kooban masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka iyo bahwadaagta caafimaadka ee Puntland. Waxaa diiradda lagu saaray xoojinta u-diyaargarowga iyo ka hortagga saameynta caafimaad ee ka dhalan karta roobabka iyo fatahaadaha.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa bahwadaagta la wadaagtay warbixin ku saabsan halka uu marayo qorshaha u-diyaargarowga, howlaha la qabtay iyo kuwa weli dhiman.
Doodaha kulanka ayaa si gaar ah loogu gorfeeyay khataraha caafimaad ee ka dhalan kara roobabka iyo fatahaadaha, oo ay ka mid yihiin shuban-biyoodka, cudurrada ka dhasha kaneecada iyo cudurrada kale ee faafa.
Sidoo kale, waxaa laga hadlay sidii loo yareyn lahaa khataraha iyo waxyeellada ay fatahaaduhu gaarsiin karaan xarumaha caafimaadka iyo adeegyada caafimaad ee Puntland.
Shirka waxaa qeyb ka ahaa Kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka, ahna Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Aasaasiga ah, Cabdirisaaq Abshir Xirsi.