Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa booqday goobtii dhawaan uu ka dhacay qarax loo adeegsaday gaari oo ay Al-Shabaab ku weerareen magaalada Baydhabo.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa si gaar ah u kormeeray goobihii uu qaraxu saameeyay, oo ay kamid yihiin masaajid ay dadka deegaanka ku cibaadaysanayeen, Hotel RB, Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya iyo qaar kamid ah guryaha ku yaalla agagaarka goobta uu qaraxu ka dhacay.
Intii uu socday kormeerka, Hoggaamiyaha ayaa warbixinno ka dhageystay mas’uuliyiinta iyo maamulka goobta, kuwaas oo uga warbixiyay xaaladda goobihii waxyeelladu ka soo gaartay qaraxa iyo saameynta uu weerarku ku yeeshay shacabka iyo deegaanka.
Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa si adag u cambaareeyay weerarka lagu waxyeelleeyay shacabka, isagoo tacsi u diray ehellada iyo qaraabada dadkii ku geeriyooday weerarka, halka uu caafimaad degdeg ah u rajeeyay dadka ku dhaawacmay.
Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale bogaadiyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed oo uu sheegay inay si geesinimo leh uga hortageen weerarka, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo amniga magaalada Baydhabo iyo ilaalinta shacabka.
Booqashada Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku soo beegmaysa xilli magaalada Baydhabo ay ka socoto qiimeynta khasaaraha iyo saameynta uu weerarku ku yeeshay goobaha rayidka, iyadoo mas’uuliyiinta amniga ay wadaan dadaallo lagu adkeynayo ammaanka magaalada.