Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed oo ka hadlay amniga iyo dib-u-heshiisiinta

Hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa guddoomiyey shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada Maamulka Koonfur Galbeed, kaas oo looga hadlay xaaladda guud ee amniga deegaannada maamulka, xoojinta nabadgelyada iyo dardargelinta geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta bulshada.

Shirka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladda amni ee deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo Golaha Wasiirradu ay qiimeeyeen dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo tallaabooyinka lagu xoojinayo wada-shaqeynta hay’adaha amniga, maamulka iyo bulshada.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale ka hadlay caqabadaha amni ee ka jira qaar ka mid ah deegaannada Koonfur Galbeed iyo sidii loo sii xoojin lahaa dadaallada lagu ilaalinayo nabadgelyada, iyadoo la adkeynayo iskaashiga u dhexeeya ciidamada amniga iyo bulshada deegaanka.

Qodobka kale ee muhiimka ah ee shirka looga hadlay ayaa ahaa gogosha iyo geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed. Golaha Wasiirrada ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo wada-hadal loo dhan yahay oo ay ka qeybqaataan dhinacyada kala duwan ee bulshada, si loo gaaro is-afgarad siyaasadeed iyo mid bulsho.

Sidoo kale, waxaa la isla qaatay in khilaafaadka jira lagu xalliyo hannaan nabadeed oo ku dhisan wada-tashi, is-qancin iyo isu-tanaasul, iyadoo mudnaanta la siinayo midnimada bulshada iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed.

Hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulanka ku adkeeyay muhiimadda ay nabadgelyada, midnimada bulshada iyo dib-u-heshiisiintu u leeyihiin horumarka iyo xasilloonida Koonfur Galbeed.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in maamulka Koonfur Galbeed uu sii wadi doono dadaallada lagu mideynayo bulshada, lagu xoojinayo nabadgelyada iyo lagu horumarinayo wada-hadalka iyo dib-u-heshiisiinta, si loo gaaro xasillooni waarta iyo horumar ka hanaqaada deegaannada maamulka.

Shirka Golaha Wasiirrada ayaa ku soo beegmaya xilli Koonfur Galbeed ay waddo dadaallo la xiriira xoojinta amniga, dib-u-heshiisiinta bulshada iyo sidii loo dardargelin lahaa howlaha maamulka ee deegaannada Koonfur Galbeed.