Soomaaliya oo cambaareysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerarka lagu qaaday xarun koronto oo bixisa adeegga korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee magaalada Madiinah, Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Wasaaradda ayaa sheegtay in weerarka lagu qaaday kaabayaasha rayidka ah ee u adeegaya mid ka mid ah goobaha ugu barakeysan Islaamka uu yahay meel ka dhac ku ah karaamada iyo xurmada Goobaha Barakeysan.

Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa tilmaantay in weerarka uu yahay xadgudub ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo madaxbannaanida Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay si buuxda garab taagan tahay Dowladda iyo shacabka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyadoo muujisay taageerada ay u hayso dadaallada Sacuudiga ee lagu ilaalinayo madaxbannaanida, amniga iyo badbaadada muwaadiniinta, dadka deggan iyo dadka booqanaya goobaha barakeysan.

Wasaaradda ayaa sidoo kale xustay in Soomaaliya, oo xubin ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), ay si cad uga soo horjeeddo dhammaan falalka khatarta ku ah xasilloonida gobolka iyo amniga goobaha barakeysan.

Ugu dambeyn, Soomaaliya ayaa ku baaqday in la sameeyo baaritaan lagu xaqiijinayo cidda ka dambeysay weerarka, isla markaana lala xisaabtamo cid kasta oo mas’uul ka noqota falkaasi.