Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Arusha kula kulmay Guddoomiyaha EALA

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa magaalada Arusha ee dalka Tanzania kulan kula qaatay Guddoomiyaha Golaha Sharci-dejinta Bulshada Bariga Afrika (EALA), Mudane Joseph Ntakirutimana.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqaynta baarlamaannada, iyo sidii loo sii horumarin lahaa isdhexgalka bulshada dalalka ku mideysan Bulshada Bariga Afrika.

Labada mas’uul ayaa kulanka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqaynta baarlamaannada dalalka Bariga Afrika, si loo taageero nabadda, xasilloonida iyo horumarka waara ee gobolka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Guddoomiyaha EALA ayaa sidoo kale ka wada hadlay fursadaha uu isdhexgalka gobolka u abuuri karo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, dhaqaalaha, isu-socodka iyo iskaashiga gobolka.

Sidoo kale, waxaa kulanka lagu soo qaaday muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay si firfircoon uga qeybqaadato howlaha iyo hannaanada sharci-dejinta ee Bulshada Bariga Afrika, iyadoo la xoojinayo xiriirka ka dhexeeya Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha baarlamaaniga ah ee gobolka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulanka waxaa ku wehliyey Xildhibaan Ismaaciil Ciid Maxamed, Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri), iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Tanzania iyo Bulshada Bariga Afrika, Danjire Ilyees Cali Xasan.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka Soomaaliya iyo dalalka iyo hay’adaha gobolka Bariga Afrika, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, ganacsiga iyo horumarinta xiriirrada baarlamaannada.