Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Arusha kula kulmay Xildhibaannada Soomaaliya ku matala EALA

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa magaalada Arusha ee dalka Tanzania kulan kula qaatay Xildhibaannada Soomaaliya ku matala Golaha Sharci-dejinta Bulshada Bariga Afrika (EALA).

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqaynta iyo xiriirka u dhexeeya EALA iyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay isku-duwidda arrimaha sharci-dejinta iyo dardargelinta ka-qaybgalka Soomaaliya ee geeddi-socodka isdhexgalka Bulshada Bariga Afrika.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Xildhibaannada Soomaaliya ku matala EALA ku bogaadiyey dadaallada ay ugu jiraan matalaadda dalka, isaga oo kula dardaarmay inay si hufan oo sharaf leh uga shaqeeyaan ilaalinta iyo kor u qaadidda sumcadda Soomaaliya.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in Xildhibaannada Soomaaliya ay si wanaagsan u soo bandhigaan horumarka, fursadaha iyo awoodda dalka, isla markaana ay ka shaqeeyaan sidii Soomaaliya ay door muuqda uga qaadan lahayd hawlaha iyo qorshayaasha isdhexgalka Bulshada Bariga Afrika.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka hay’adaha sharci-dejinta Soomaaliya iyo kuwa Bulshada Bariga Afrika, iyadoo la filayo in iskaashiga labada dhinac uu gacan ka geysto horumarinta arrimaha sharci-dejinta iyo ka-qaybgalka Soomaaliya ee ururka.