Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka, ganacsiga iyo amniga Badda Cas

Wasiir-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed Maxamed Saalax Al-Muwallad.

Kulanka dhexmaray labada mas’uul ayaa looga hadlay xaaladda xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyadoo labada dhinac ay isla soo qaadeen arrimo muhiim u ah danaha labada dal iyo xoojinta iskaashiga labada dhinac.

Wadahadallada ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray sidii loo sii horumarin lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya, iyadoo xoogga la saaray fursadaha iskaashi ee dhinacyada ganacsiga, maalgashiga iyo amniga Badda Cas.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay in la kordhiyo iskaashiga dhaqaale iyo ganacsi, gaar ahaan sidii loo dhiirrigelin lahaa maalgashiga iyo in la abuuro fursado cusub oo ay ka faa’iideysan karaan labada dal.

Soomaaliya, oo ku taalla marin muhiim ah oo ka tirsan Geeska Afrika, ayaa muhiimad gaar ah u leh amniga iyo xasilloonida Badda Cas iyo marin-biyoodka gobolka. Sidaas darteed, iskaashiga dhinaca amniga badda ayaa ka mid ahaa qodobadii muhiimka ahaa ee kulanka lagu falanqeeyey.

Wasiir-Dowlaha Cali Maxamed Cumar iyo Safiir Axmed Maxamed Saalax Al-Muwallad ayaa sidoo kale isla eegay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta labada dal, iyadoo la horumarinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dhinacyada ay labada dhinac danaha wadajirka ah ka leeyihiin.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa kamid ah dalalka Carabta ee xiriir dhow oo taariikhi ah la leh Soomaaliya, waxaana labada dal muddo dheer ka dhexeeyey xiriirro ku saleysan iskaashi diblomaasiyadeed, dhaqaale iyo bulsho.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad ku aaddan muhiimadda ay leedahay sii wadidda wada-hadallada iyo xoojinta iskaashiga labada dal, iyadoo labada dhinac ay muujinayaan diyaar-garow ku aaddan horumarinta xiriirkooda iyo iskaashiga ku saabsan arrimaha gobolka.

Kulankan ayaa sidoo kale kusoo beegmaya xilli gobolka Badda Cas iyo Geeska Afrika ay wajahayaan xaalado amni iyo dhaqaale oo u baahan iskaashi iyo wada-shaqeyn dheeraad ah oo dhex mara dalalka gobolka iyo kuwa xiriirka dhow la leh.