Hantidhowraha Guud oo saxiixay warbixinno la xiriira baarista hay’adaha iyo mashaariicda EAC

Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Guutaale, ayaa xarunta Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ku saxiixay warbixinno ka dhashay baaritaanno lagu sameeyay hay’adaha iyo mashaariicda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), oo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay xubin ka tahay.

Warbixinnadan ayaa Hantidhowraha Guud soo gaarsiiyay Mudane Simion Lenkaa Lolgisoi, Madaxa Hantidhowrka Gudaha ee Xoghaynta Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), iyadoo warbixinnadu ay ka tarjumayaan hawlo baaritaan oo laga sameeyay hay’ado iyo mashaariic kala duwan oo hoos yimaada Ururka EAC.

Hay’adaha iyo waaxyaha ay warbixinnadu khuseeyaan waxaa kamid ah Xoghaynta Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), Golaha Xeer-dejinta Bariga Afrika (EALA), Maxkamadda Caddaaladda Bariga Afrika (EACJ), Guddiga Kiswahiliga Bariga Afrika (EAKC), Guddiga Sayniska iyo Teknolojiyadda Bariga Afrika (EASTECO) iyo Guddiga Cilmi-baarista Caafimaadka Bariga Afrika (EAHRC).

Sidoo kale, warbixinnada ayaa khuseeya Guddiga Biyo-Harada Victoria (LVBC), Ururka Kalluumeysiga Harada Victoria (LVFO), Hay’adda Kormeerka Badbaadada iyo Ammaanka Duulista Rayidka (CASSOA), iyo mashaariic kale oo ka tirsan Bulshada Bariga Afrika.

Warbixinnada uu saxiixay Hantidhowraha Guud ayaa isugu jira noocyo kala duwan oo baaritaanno ah, kuwaas oo ay kamid yihiin Baaris Gaar ah, Baarista Nidaamyada Macluumaadka iyo Baaris Waxqabad, iyadoo sidoo kale diiradda lagu saaray arrimo la xiriira Midowga Lacagta Bariga Afrika (EAMU).

Waxaa sidoo kale qeyb ka ah dukumentiyada la saxiixay warqado maamul oo ka dhashay hawlaha baarista iyo natiijooyinka laga soo saaray qiimeynta lagu sameeyay hay’adaha iyo mashaariicda kala duwan.

Saxiixa iyo dhammaystirka warbixinnadan ayaa qeyb ka ah hawlaha baarista ee heer gobol, waxaana ay xoojinayaan doorka Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ka qeybqaadashada howlaha kormeerka iyo isla xisaabtanka maaliyadeed ee hay’adaha Ururka EAC.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ayaa muhiimad gaar ah siinaya horumarinta hannaanka isla xisaabtanka iyo daahfurnaanta maaliyadeed, gaar ahaan marka ay Soomaaliya qeyb ka tahay hay’adaha iyo ururrada goboleed ee iskaashiga dhaqaale iyo horumarineed.

Dhammaystirka hawlahan baarista ayaa sidoo kale muujinaya ka-qeybgalka Soomaaliya ee nidaamyada kormeerka maaliyadeed ee EAC, iyadoo la xoojinayo iskaashiga u dhexeeya hay’adaha hantidhowrka Soomaaliya iyo kuwa gobolka.

Warbixinnada la saxiixay ayaa la filayaa inay gacan ka geystaan kor u qaadista daahfurnaanta, isla xisaabtanka iyo maamulka maaliyadeed ee hay’adaha iyo mashaariicda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, iyadoo natiijooyinka baaritaannaduna ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu horumarinayo maamulka iyo hannaanka maaliyadeed ee ururka.