Wasiirka Beeraha Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Aljeeriya

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa maanta xarunta dhexe ee Wasaaradda ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Shacabka Aljeeriya u fadhiya Soomaaliya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Aljeeriya, gaar ahaan dhinacyada beeraha, waraabka iyo sugnaanta cuntada, iyadoo laga duulayo xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga labada dal.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay horumarinta nidaamyada waraabka, maaraynta iyo ka faa’iidaysiga khayraadka biyaha, cilmi-baarista beeraha, adeegsiga tiknoolajiyadda casriga ah iyo dhiirrigelinta maalgashiga dhinaca beeraha.

Wasiir Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa uga mahadceliyay Dowladda Aljeeriya taageerada iyo xiriirka saaxiibtinimo ee ay la leedahay Soomaaliya, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada wax-soo-saarka beeraha iyo sugnaanta cuntada.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay xoogga saarayso horumarinta wax-soo-saarka beeraha, ballaarinta adeegyada waraabka iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga caalamiga ah ee lagu horumarinayo waaxda beeraha.