Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka qeyb galay furitaanka Shirweynaha 153-aad ee IPU

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa ka qeyb galay furitaanka Shirweynaha 153-aad ee Midowga Baarlamaannada Adduunka (IPU), kaas oo si rasmi ah uga furmay magaalada Arusha ee dalka Tanzania.

Shirweynaha waxaa si rasmi ah u furay Ra’iisul Wasaaraha Tanzania, Mudane Dr. Mwigulu Lameck Nchemba, iyadoo ay ka qeybgalayaan madaxda iyo xubno ka socda baarlamaanno badan oo caalamka ah, kuwaas oo isugu yimid magaalada Arusha.

Shirweynaha 153-aad ee IPU ayaa socon doona muddo shan maalmood ah, waxaana inta uu socdo lagu gorfeeyn doonaa arrimo la xiriira horumarinta dowlad-wanaagga, xoojinta iskaashiga baarlamaannada iyo sidii loo sii horumarin lahaa ka-qaybgalka bulshada ee howlaha dowladnimo.

Hal-ku-dhigga guud ee shirweynaha sanadkan ayaa ah “Horumarinta dowlad-wanaagga, iskaashiga baarlamaannada iyo awood-siinta bulshooyinka, iyadoo loo marayo ka-qaybgal loo dhan yahay, kalsooni iyo fursado loo siman yahay.”

Inta uu socdo shirku, waxaa la filayaa in madaxda iyo wakiillada baarlamaannada dalalka xubnaha ka ah IPU ay is dhaafsadaan aragtiyo iyo khibrado ku saabsan xoojinta hay’adaha sharci-dejinta, dowlad-wanaagga, ka-qaybgalka shacabka iyo horumarinta iskaashiga baarlamaannada caalamka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale qeyb ka noqonaya doodaha iyo kulamada ka dhacaya shirweynaha, iyadoo Soomaaliya ay fursad u heli doonto inay la wadaagto dalalka kale khibraddeeda iyo aragtideeda ku aaddan horumarinta howlaha baarlamaanka iyo xoojinta dowladnimada.

Shirweynaha IPU ayaa sidoo kale muhiimad gaar ah siinaya dhisidda kalsoonida u dhexeysa hay’adaha dowladeed iyo bulshada, iyadoo la adkeynayo baahida loo qabo in dhammaan qeybaha bulshada ay helaan fursado siman oo ay uga qeybqaataan geeddi-socodka dowladnimada iyo go’aan-qaadashada.

Ka qeybgalka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee shirkan caalamiga ah ayaa sidoo kale qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo baarlamaannada dalalka kale ee xubnaha ka ah Midowga Baarlamaannada Adduunka.