Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay munaasabadda xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub (EU-Somalia Business Forum 2026), oo muddo labo maalmood ah ka socotay caasimadda Muqdisho.
Madasha ayaa waxaa isugu yimid bah-wadaagta horumarinta, hay’adaha maaliyadeed iyo ganacsatada gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya iyo Midowga Yurub, iyadoo diiradda lagu saarayay fursadaha maalgashi iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhaqaale ee Soomaaliya iyo dalalka Yurub.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Soomaaliya ay maanta diyaar u tahay in dunidu maalgashi ku sameyso khayraadkeeda iyo fursadaha dhaqaale ee dalka ka jira, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay goobta istaraatiijiga ah ee ay kaga taallo Geeska Afrika iyo horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga iyo dowladnimada.
“Soomaaliya waxa ay diyaar u tahay in ay dhahdo cid walba oo doonaysa in ay dalkaan ka faa’ideysato, nala saaxiibto, nala qaadato amniga iyo midnimada dalkeenna, gacmo furan kusoo dhawaada. Marka aan sidaas leennahay waxa aan aaminsannahay in aan soo buuxinay shuruudihii lagu maalgashan lahaa Soomaaliya,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay tallaabooyin muhiim ah ka qaaday dhinacyada amniga dalka iyo dib-u-habeynta hay’adaha Qaranka, taas oo uu sheegay inay qeyb ka tahay dadaallada lagu abuurayo jawi ku habboon maalgashiga iyo kobaca dhaqaalaha.
Waxa uu tilmaamay in Soomaaliya ay u jihaysatay horumarinta dhaqaalaha iyo kobcinta kaabeyaasha horumarineed, iyadoo la sameeyay sharciyo iyo nidaamyo muhiim u ah hirgelinta hannaan dhaqaale oo sugan, la isku halleyn karo, isla markaana fursad u siinaya bulshada Soomaaliyeed inay gaarto isku-filnaansho dhaqaale.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sidoo kale xusay fursadaha maalgashi ee ballaaran ee Soomaaliya ka jira, isagoo tilmaamay in dalka uu leeyahay xeebta ugu dheer qaaradda Afrika, khayraad macdaneed oo aan weli si buuxda looga faa’ideysan, xoolo nool oo badan iyo dhul-beereed baaxad weyn.
Waxa uu sheegay in fursadahaasi ay Soomaaliya ka dhigayaan dal ay ka jiraan dhinacyo badan oo maalgashi, kuwaas oo ay ka mid yihiin kaabeyaasha dhaqaalaha, beeraha, xoolaha, kalluumeysiga, tamarta, macdanta iyo adeegyada kale ee muhiimka u ah horumarinta dhaqaalaha dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu dambeyn Midowga Yurub uga mahadceliyay taageerada iyo doorka ay ka qaataan horumarinta Soomaaliya, isaga oo xusay xiriirka iyo iskaashiga saaxiibtinnimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.
Waxa uu sidoo kale ugu baaqay hay’adaha maaliyadeed, ganacsatada iyo maalgashadayaasha Yurub inay ka faa’ideystaan fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, isla markaana ay door muuqda ka qaataan horumarinta dhaqaalaha iyo kaabeyaasha dalka.