Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa magaalada Arusha ee dalka Tanzania kulan kula yeeshay wafdiga Golaha Weyn ee Qaranka Türkiye (Grand National Assembly of Türkiye), oo ka qayb-galaya Shirweynaha 153-aad ee Midowga Baarlamaannada Adduunka (IPU).
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray doorka labada Baarlamaan ee xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Türkiye, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay kor u qaadista is-dhaafsiga khibradaha, aqoonta iyo waayo-aragnimada hay’adaha baarlamaannada labada dal.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdiga Baarlamaanka Türkiye ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay xoojinta diblomaasiyadda baarlamaanka, iyo sidii loo sii xoojin lahaa isu-dhowaanshaha aragtiyaha iyo mowqifyada labada dal ee ku aaddan danaha ay wadaagaan.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay muhiimadda iskaashiga Soomaaliya iyo Türkiye ee fagaarayaasha caalamiga ah, gaar ahaan arrimaha mudnaanta u leh labada qaran iyo sidii loo sii horumarin lahaa xiriirka labada Baarlamaan.
Kulanka ayaa qayb ka ahaa kulamada doceedyada ah ee ka socda Shirweynaha 153-aad ee IPU, oo ay ka qayb-galayaan madaxda iyo wafdiyada baarlamaannada dalal badan oo caalamka ah.