Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Azerbaijan, Danjire Cabdinuur Daahir Fiidoow, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Wasiirka Sayniska iyo Waxbarashada Azerbaijan, Mudane Emin Amrullayev.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca waxbarashada ee Soomaaliya iyo Azerbaijan, gaar ahaan ballaarinta fursadaha waxbarasho, taageerada ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Azerbaijan iyo sidii loo abuuri lahaa fursado waxbarasho oo dheeraad ah oo ay ka faa’iideystaan ardayda Soomaaliyeed.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay horumarinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya hay’adaha waxbarashada ee labada dal, dhiirrigelinta tacliinta sare iyo dhisidda iskaashi waara oo ku saabsan waxbarashada iyo cilmi-baarista.
Danjire Cabdinuur Daahir Fiidoow ayaa uga mahadceliyey Wasiir Emin Amrullayev iyo Wasaaradda Sayniska iyo Waxbarashada Azerbaijan soo dhoweynta diirran iyo taageerada ay siiyaan ardayda Soomaaliyeed ee dalkaasi wax ka barata.
Safiirka ayaa sidoo kale xusay muhiimadda ay waxbarashadu u leedahay xiriirka sii kobcaya ee Soomaaliya iyo Azerbaijan, isagoo caddeeyey in Safaaradda Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso ballaarinta fursadaha waxbarasho iyo horumarinta tacliinta sare ee ay heli karaan ardayda Soomaaliyeed.