Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kulanka 22-aad ee kalfadhiga 8-aad, kaas oo uu shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).
Kulanka ayaa waxaa kooramka ku furay 141 Xildhibaan, waxaana mudanayaashu ay sii ambaqaadeen doodda la xiriirta akhrinta labaad ee Hindise-sharciyeedka wax-ka-beddelka Sharciga Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, Sharciga Lr. 130 ee soo baxay 22-kii Abriil 2012, kaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda.
Xildhibaanada ayaa si qoto dheer uga dooday qodobbada ku jira hindise-sharciyeedka iyo muhiimadda uu u leeyahay dalka, gaar ahaan dhinacyada la xiriira nidaamka Bankiga Dhexe iyo horumarinta maamulka maaliyadeed ee Soomaaliya.
Sidoo kale, mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa akhrinta labaad marsiiyey heshiisyada u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ee ku saabsan iskaashiga garsoorka caalamiga ah. Xildhibaanada ayaa ka dooday qodobada heshiisyada iyo muhiimadda ay u leeyihiin xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinaca garsoorka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo kulanka soo xiray, ayaa sheegay in Hindise-sharciyeedka wax-ka-beddelka Sharciga Bankiga Dhexe ee Soomaaliya iyo heshiisyada iskaashiga garsoorka caalamiga ah ee Soomaaliya iyo Turkiga ay ka gudbeen marxaladda akhrinta labaad.
Guddoomiyuhu waxa uu faray guddiyada ku shaqada leh inay soo diyaariyaan warbixinnada akhrinta saddexaad, kaddibna ay dib ugu soo celiyaan Golaha Shacabka, si loo sii ambaqaado habraaca sharci-dejinta loona guto waajibaadka dastuuriga ah ee Golaha.