Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad, wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeybgalaya Shirweynaha Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka fikirka xagjirka ah oo ka socda magaalada Muqdisho.
Shirweynahan ayaa diiradda lagu saarayaa sidii loo xoojin lahaa dadaallada qaran ee looga hortagayo fikirka xagjirka ah, kor loogu qaadi lahaa wacyigelinta bulshada, loona xoojin lahaa iskaashiga hay’adaha dowladda, culimada, waxgaradka, dhalinyarada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Waxaa la filayaa in shirweynaha lagu gorfeeyo caqabadaha la xiriira faafitaanka fikirka xagjirka ah, saameynta uu ku leeyahay amniga iyo xasilloonida dalka, iyo tallaabooyinka loo baahan yahay si loo yareeyo saameyntiisa. Sidoo kale, waxaa muhiimad gaar ah la siinayaa doorka bulshada ee ka hortagga fikradaha horseedi kara rabshadaha iyo falalka amni-darrada.
Ka qeybgalka mas’uuliyiinta sare ee dowladda ayaa muujinaya muhiimadda ay leedahay isku-duwidda dadaallada hay’adaha kala duwan ee ku howlan ilaalinta amniga, wacyigelinta bulshada iyo ka hortagga fikirrada xagjirka ah.
Shirweynaha ayaa sidoo kale fursad u ah in la is dhaafsado aragtiyo iyo talooyin ku saabsan sidii loo horumarin lahaa hababka ka hortagga xagjirnimada, iyadoo la xoojinayo doorka waxbarashada, wacyigelinta iyo ka qeybgalka bulshada.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe xoogga saareysay dadaallada lagu sugayo amniga dalka iyo kuwa lagu xoojinayo wacyigelinta bulshada, si looga hortago fikirrada xagjirka ah iyo saameynta ay ku yeelan karaan nabadda, wadajirka bulshada iyo horumarka dalka.