Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Ka Qaybgalay Xuska Qaraxii Soobe

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho kaga qaybgalay munaasabad lagu xusayay dadkii Soomaaliyeed ee ku shahiiday qaraxii argagixiso ee 14-kii Oktoobar 2017 ay kooxda AS ka geysatay Isgoyska Soobe, kaas oo sababay dhimashada boqollaal qof oo rayid ah iyo dhaawaca dad kale oo badan.

Munaasabaddan ayaa lagu xusayay sannad-guuradii sagaalaad ee musiibadii weynayd ee ku habsatay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadkii ku sugnaa Isgoyska Soobe iyo nawaaxigiisa xilliga uu qaraxu dhacayay. Qaraxaas ayaa dalka ku reebay murugo iyo tiiraanyo ballaaran, waxaana uu noqday dhacdo si weyn ugu xusuusan shacabka Soomaaliyeed, maadaama ay ku naf waayeen dad badan oo aan waxba galabsan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in 14-ka Oktoobar ay tahay maalin murugo iyo tiiraanyo qaran oo aan duugoobayn, ayna xusuusteedu weligeed ku sii jiri doonto quluubta shacabka Soomaaliyeed. Waxa uu tilmaamay in maalintani ay astaan u tahay xanuunkii iyo dhibaatadii ay shacabka Soomaaliyeed kala kulmeen weerarkii argagixiso ee lagu qaaday magaalada Muqdisho sannadkii 2017.

Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa xusay in qaraxii Soobe uu ahaa musiibo saamayn weyn ku yeelatay nolosha shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qoysaskii ay ka geeriyoodeen waalidiintooda, carruurtooda, eheladooda iyo dadkii ay nolosha wadaageen. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in dhibaatadaasi aysan ku koobnayn oo keliya dadkii goobta ku dhintay ama ku dhaawacmay, balse ay sidoo kale saamayn muddo dheer ah ku reebtay qoysas badan iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in xusuusta dadka ku naf waayay qaraxa Soobe ay tahay mid mudan in si joogto ah loo ilaaliyo, lana xasuusto dhibbanayaashii Soomaaliyeed ee noloshooda ku waayay falkaasi argagixiso. Waxa uu sidoo kale muujiyay muhiimadda ay leedahay in la garab istaago qoysaska ay musiibadu saamaysay, lana xoojiyo dadaallada lagu ilaalinayo nolosha iyo badbaadada muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Munaasabadda xuska ayaa fursad u ahayd in dib loo xusuusto dhibaatadii uu qaraxu ku reebay dalka, iyadoo la maamuusayay dadkii ku naf waayay iyo kuwii dhaawacyadu ka soo gaareen. Sidoo kale, xuska noocan oo kale ah ayaa muhiim u ah in jiilasha cusub loo gudbiyo taariikhda dhacdooyinkii waaweynaa ee dalka soo maray iyo saamaynta ay ku yeesheen nolosha bulshada.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ugu dambayn Alle SWT uga baryay dhammaan dadkii ku shahiiday qaraxii Soobe inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, dembigoodana dhaafo, eheladoodii, qaraabadoodii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeedna uu ka siiyo samir iyo iimaan.

Qaraxii 14-kii Oktoobar 2017 ee Isgoyska Soobe ayaa ka mid ah musiibooyinkii ugu waaweynaa ee soo mara Soomaaliya, waxaana xusuustiisu weli ku weyn tahay quluubta shacabka. Sagaal sano kaddib, dadka Soomaaliyeed waxay sii xusuusanayaan dhibbanayaashii, iyagoo Alle uga baryaya naxariis iyo Janno, isla markaana rajaynaya in dalka uu helo nabad waarta iyo amni ay muwaadiniintu ku noolaadaan iyagoo aan ka cabsi qabin weerarro argagixiso.